XAMAAS OO SII DEYSAY MAWAADIN MAARAYKAN AH.
(SAWIRKA)-EDAN ALEXANDER.
(MARINKA GAZA)-Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah iney sii daayeen la hayste u dhashay Maraykanka iyo Israa’iil oo lagu magacaabo Edan Alexander, taasoo waddada u xaaraysa suurtagalnimada in dib loo bilaabo wada-hadallada xabbad-joojinta ee deegaannada ey dagaalladu aafeeyeen. Hadal ka soo baxay Xamaas ayaa waxaa ka mid ahaa, “Guutooyinka Qasaam waxay sii daayeen wax yar ka hor Askariga Isra’iil ee maxbuuska ahaa, Edan Alexander, oo heysta dhalashada Maraykanka”. Waxaa lagu wareejiyay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas. Isla mar ahaantaana, waxay xaqiijisay iney diyaar u tahay iney ka qaybgasho "Wada xaajoodyada lagu gaarayo heshiis xabbad-joojin ah oo dhamaystiran oo waara." Ugu Horaantii, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “caawintii” uu ka geystay soo deynta la haystayaasha Mareykanka iyo Israa’iil.
"War wanaagsan"
Trump ayaa warqado waa weyn ku soo qoray bartiisa bulshada isniintii, "Xamaas oo sii daysay laheyste Mareykan ah Edan Alexander, oo la rumeysanaa inuu dhintay, war weyn!" Sii deyntan, oo timid ka dib wadahadal afar geesood ah oo u dhaxeeyay Xamaas, Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa laga yaabaa iney u gogol xaarto sii deynta 59 ka la heyste ee weli lagu haysto Gaza, 19 bilood ka dib weerarkii Xamaas ey ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023-kii. Laakiin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ey ogolaatay kaliya in ey si nabad ah u maro Alexander, ciidamadeeduna ey sii wadi doonaan dhawaan ey ku dhawaaqeen diyaar garow ey ku doonayaan iney ku xoojiyaan howlgallada ka socda Marinka. "Israa'iil kama go'an xabbad joojin," ayuu yiri Xafiiskiisa. Fiidnimadii Axadda, Xamaas waxay ku dhawaaqday iney sii deyn doonto la haystayaasha Israa’iil, wax yar uun ka dib markii saraakiisha Xamaas ey ku dhawaaqeen iney wadahadal toos ah kula yeelanayaan Maraykanka magaalada Doxa ee ku saabsan xabbad joojinta iyo gelitaanka gargaarka ee Gaza. Bayaan ey soo saareen qoyska Alexander ayey ugu mahad celiyeen Trump iyo Witkoff waxayna rajo ka muujiyeen in go’aankan uu dhabaha u xaari doono sii deynta la haystayaasha kale oo 21 ka mid ah la rumeysan yahay iney weli nool yihiin.
ISHA-FRANCE-24