TABABARE CARLO ANCELOTTI OO HOGAAMIN DOONO XULKA BRAZIL.
(SAWIRKA)-TABABARE CARLO ANCELOTTI.
(BRAZIL)-Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka tagi doona kooxda dhamaadka xili ciyaareedkaan si uu u qabto xilka Xulka Qaranka Brazil, sida uu shaaciyay Xiriirka Kubada Cagta Brazil ee (CBF). 65 jirka reer Talyaani ayaa noqon doona tababarihii ugu horeeyay ee Ajnabi ah Xulka Brazil hogaamiya, iyadoo Xabi Alonso loo magacaabi doono tababaraha cusub ee Real Madrid ka dib markii uu xaqiijiyay inuu ka tagayo Bayer Leverkusen usbuucii hore. "Xulka Qaranka ee ugu fiican taariikhda kubada cagta waxaa hadda hogaamin doona macalinka ugu guulaha badan aduunka" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xiriirka K/cagta Brazil ee CBF. “Wuxuu hogaamin doonaa Brazil ilaa koobka aduunka 2026, wuxuuna tababare u noqon doonaa labada kulan ee isreeb reebka ah ee ey la ciyaari doonaan Ecuador iyo Paraguay bisha soo socota”. Brazil ayaa ceyrisay Dorival Junior ka dib markii ey (4-1) ku xasuuqday Argentina bishii March waxayna ku jiraan kaalinta afaraad ee kala sareynta isreeb-reebka tartanka K/Ameerika (South America) ee Mareykanka, Mexico iyo Canada. "In Carlo Ancelotti loo keeno Brazil waa wax ka badan tallaabo istiraatijiyadeed - waa hadal ku socda caalamka oo aan go'aansanay inaan dib u soo ceshano kaalinta ugu sareysa ee madal," ayuu yiri Madaxweynaha CBF Ednaldo Rodrigues. “Waa tababaraha ugu fiican taariikhda, haatana waxa uu masuul ka yahay kooxda ugu weyn adduunka. "Si wadajir ah, waxaan u qori doonaa cutubyo cusub oo sharaf leh kubada cagta Brazil." Xulka shanta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ee Brazil ayaa ugu dambeysay koobkan sanadkii 2002-dii, iyadoo soo wajahday in ka badan labaatan sano oo niyad jab ah tan iyo markaas. Ancelotti ayaa ka tagay Madrid isagoo ah mid ka mid ah maamulayaasha ugu guulaha badan kooxda, isagoo kula guuleystay 15 koob labo xilli ciyaareed oo uu la qaatay Los Blancos, oo ey ku jiraan labo La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore. Markii ugu horeysay ee Real Madrid wuxuu ku hogaamiyay La Decima 2014 -- koobkoodii 10aad ee Champions League. Saddex jeer ayuu Los Blancos kula guuleystay tartanka. Ka dib markii la ceyriyay 2015 wuxuu soo laabtay lix sano ka dib markii Zinedine Zidane uu is casilay si uu mar kale u qaado koobka 2022 iyo 2024. Ancelotti ayaa sidoo kale hogaamiyay kooxaha Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich oo ey ku jiraan AC Milan oo uu labo jeer kula guuleystay Champions League isagoo tababare ah sanadihii 2003 iyo 2007. Macalinka reer Talyaani waa macalinka inta badan ku guulaysta koobka Yurub, isagoo ku guuleystay shan jeer -- labo ayuu ka badan yahay Zidane, Pep Guardiola iyo Bob Paisley.
- Xirfad qurux badan -
Real Madrid, Ancelotti waxa uu tababare u soo noqday xiddigaha Brazil Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Eder Militao, iyo sidoo kale da’yarka tayada leh ee Endrick. Tababaraha ayaa ka tagi doona Madrid 25-ka May ka dib kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka ee La Liga, oo ey la ciyaarayaan Real Sociedad. Madrid ayaa qarka u saaran iney ku dhameysato xilli ciyaareedka iyagoo madhan ka dib guuldaradii El Clasico ee Barcelona Axadii iyagoo 7 dhibcood ka dambeeya kooxda ey xafiiltamaan ee horyaalka. Ancelotti ayaa kormeeri doona kulanka Madrid ey gurigeeda ku qaabili doonto Mallorca Arbacada iyo safarka Sevilla ee May 18, isaga oo ka tagi doona ka hor koobka kooxaha adduunka xagaagan ee US. Macallinka ayaa ku guuleystay horyaallada shanta horyaal ee ugu waa-weyn Yurub, Spain, England, Italy, Germany iyo France oo uu soo maamulayay muddo 30 sano ah. Warbaahinta Spain ayaa sheegtay Isniintii in tababaraha Leverkusen Alonso uu qarka u saaran yahay inuu qabto shaqada Real Madrid 1da June, ka hor koobka kooxaha aduunka. Kulanka ugu horeeya ee Madrid ayaa 18-ka June kula ciyaari doona Miami kooxda Sacuudiga ee AL Hilal.
ISHA-YAHOO.