MW-XASAN SHEEKH OO DAMACSAN DHISIDA J/LAND CUSUB,SABABTA?
(SAWIRKA)-MADAXDA QARANKA.
(MUQDISHO)-Maaalmo ka hor kuna beegneed 7-dii bishan Meey,waxaa caasimadda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirkii Madasha Golaha Wadatashiga Qaran,shirkan ayaa socday muddo laba maalmood ah waxaane laga soo saaray qodobo gaarayo ilaa toban qodob oo muhiim u ah dawlad dhiska iyo Dimuqaraadiyadda dalka Soomaaliya. Qodobka lixaad ee Goluhu soo saaray ayaa ka hadlaayo dawlad Goboleedka Jubaland eysan aqoonsaneyn DFS, waxa uuna qodobkaasi farayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS iney ka soo talo bixiso Dawlada Goboleedka Jubaland, hadaba waxa la sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu u jihaystay dhisida maamul cusub oo Jubaland ah. Dabayaaqadii bishii Nov-ee sannadkii 2024-kii ayuu Md.Axmed Madoobe dib isugu doortay Hogaamiyaha Dawlad Goboleedka Jubaland, waxay ahayd doorasho aad loo dedejiyey oo shaqadeeda socotay wax ka yar seddex asbuuc. Markii uu Axmed Madoobe qaaday talaabadaan, DFS ayaa si buuxda u diiday kuna sifeysay mid sharci darra ah oo aan Dastuurka dalka iyo kan Jubaland aan midna waafaqsaneyn, dadka degaankana eysan u dhammayn. Waxaa xigay warqadii waaranka ahayd ee loo jaray soo qabashada Axmed Madoobe kaaso lagu eedeeyey sharci ku tumasho iyo u adeegida dawlado shisheeye. Dad fara badan oo falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa u fahansanaay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu deg deg ugu wareegi doono dhinaca Gobolka Gedo oo uu Garbahaareey ka dhisi doono maamul ka dibne uu aqoonsan doono, markaas ka dibne qofka Garbahaareey lagu doortay uu ka qeybgeli doono Shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran,haddii taas la sameyn lahaa lix bilood ka hor,qofka halkaas lagu doortay isagaa ugu yaraan maanta gacan ayuu ka geysan lahaa 7-da degmo ee G/Gedo,waxa uuna fadhin lahaa Shira Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, G/Gedane,waxaa qaarkiis ka bilaaban lahaa Isdiiwaangelin Doorashada Qof iyo Cod,taas bedelkeeda DFS waxa ey aaday dagaalkii RaasKaambooni halkaaso fashal ciidan oo xoog leh laga soo qaaday. Reer Gedo in la siiyo Hogaanka maamulka Jubaland waa u muhiim waane ey fahansan yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh uu leeyahay awood nuucaas ah waane shaqada hadda socota sideey inoo sheegeen ilo muhiim ah. Waa lix bilood ka dib doorashadii Axmed Madoobe marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta isu diyaarinayo abuuridda maamul kale oo ka jira degaanadda Jubaland oo la shaqeyn kara DFS, waxaa la rumeysan yahay in soo daahitaankan uu wax badan adkeyn doono. Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa ey rumeysan yihiin in reer Gedo oo la siiyo kursiga Reysal Wasaraha ama kan Hogaamiyaha maamulka Jubaland iney dhallin karto iney xoogooda la shaqeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, welibane ey la qaabeeyn karaan hanaanka doorashada uu haatan wado, in kastoo laga yaabo maamulka laga dhisaayo Gedo inuu noqdo mid ku meel gaar ah oo laga damacsan yahay inuu qeyb ka qaato mideynta doorashada dalka, hadane talaabada nuucaan ah qiimo gaar ah ayey ugu kici doontaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud haddii ey ahaan lahayd Beesha Caalamka, Qabiilada dego degankaas iyo dawladaha deriska ah ee sida weyn saameynta ugu leh degaanadda Jubaland.
ISHA-WAKAALAD.