SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA JAKARTA.

(SAWIRKA)-GUD.ABSHIRAW.

(JAKARTA)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku sugan Magaaladda Jakarta ee Caasimadda wadanka Indonesia ayaa ka qeyb galay kulan horudhac u ah Shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo dhowaan halkaasi ka furmi doona, waxaana kulanka oo ey si gaar ah u yeesheen qeybta Carabta ee Baaramaanka Islaamka looga hadlay waxyaabaha sida gaarka ah Wadamada Carabta uga khuseeya shirka iyo Ajendaha guud ee shirweynaha. Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka wadanka Indonesia, waxa eyna ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Indonesia, Khibrad isweydaarsiga labada baarlamaan iyo sidoo kale sidii howlwadeenadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u heli lahaayeen tababaro Aqoontooda iyo Khibradooda kor loogu qaadayo. Shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo sanadkan si guud loogaga hadli doono Maamul Wanaaga iyo Dhisida Hay’ado xoog leh ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Xuquuqda dadka Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, Sahaminta istaraatiijiyado qoto dheer oo lala yeesho dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada rayidka ah si kor loogu qaado ka-qaybgal Dimoqraadiyadeed oo loo dhan yahay iyo sidoo kale qodobo kale. Shirweynaha PUIC ayaa loogu talagalay inuu socdo inta u dhexeyso 12-ka bishaan ilaa 15-ka isla bishaan Meey-2025-ka,waxaane halku dheg looga dhigay”MAAMUL WANAAGA IYO HAYADAHA AWOODA LEH OO AH TIIRARKA ADEEGSIGA”. Shirkan oo ku soo beegmay sannad guuradii 26-aad markii la aas-aasay PUIC kuna beegneed sannadkii 1999-kii, ayaa waxaa ka qeybgelaayo 450-ergo baarlamaan oo ka kala socdo 38-dal oo Xubno ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),waxaane goobjoogayaal ka ah tobandal.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GUDIGA GURMADKA G/BANAADIR OO SHIRAY MAANTA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO DAMACSAN DHISIDA J/LAND CUSUB,SABABTA?