GUDIGA GURMADKA G/BANAADIR OO SHIRAY MAANTA.

(SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG IYO GUD.AMIIR.

(MUQDISHO)-Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Gurmadka deg-dega ah ee wax ka qabashada saameyntii ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Caasimadda Muqdisho iyo u diyaar garowga Roobabka la filaayo. Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Deg-dega ah Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in 24 saac ee lasoo dhaafay lagu guuleystay furista Waddooyinkii ku xirmay Roobabkii ka da’ay Magaalada iyo dib usoo celinta bilicda, hadana ey socdaan qorshaha dib loogu dhisi lahaa Waddooyinkii ku bur buray Roobabkii horay u da’ay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dar-daarmay Guddiga Gurmadka Deg-dega ah iyo Shirkadaha ka shaqeeya dhismaha Waddooyinka in la dar-dargeliyo qorshaha dib-u-dhiska Kaabayaasha, asigoona bulshada ugu baaqay in feejignaan la muujiyo isla markaana la isku gar-gaaro. Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa boogaadiyay sida Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jawaabay xaaladihii iyo saameyntii ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Magaalada, isla markaana ey hada ugu diyaarsan yihiin maareynta Roobabka la filayo iney da’aan. Gobolka Banaadir oo ka mid ah 18-ka Gobol ey aqoonsan tahay DFS ayaan wax Xuquuq Metelaad ah ku leheyn Labada Gole ee Baarlamaanka Jmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Gobolka Banaadir maamulkiisa ugu sareeyo waxaa soo magacawdo DFS mana jirto awood shacab oo wax looga qaban karo maaulka G/banadir waayo shacabka G/banaadir ma eysan dooran masuuliyiintooda. Kala qaadida/saaridda G/banaadir oo hadda ka kooban ilaa 20-degmo iyo Caasimadda Muqdisho waa mid muhiim u ah dadka dego G/banaadir waayo,maqaamka caasimadda Muqdisho sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah waa mid ku xiran go’aan ka gaaridda Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,laakinse G/banaadir xubnihiisa Aqalka Sare ku metelaayo ma aha kuwa ku xiran in Labada Gole ey go’aan ka gaaraan oo si toos ayuu u leeyahay bacdamaa uu ka mid yahay 18-kii Gobol ee jiray ka hor sannadkii 1991-dii.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GAADIIDLEY MUDAAHARAAD KA SAMEYSAY XAMAR.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA JAKARTA.