GAADIIDLEY MUDAAHARAAD KA SAMEYSAY XAMAR.

(SAWIRKA)-GAADIIDLEYDA G/BANAADIR.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi maanta oo Talaada ah uu ka dhacay Mudaaharaad ey sameeyeen Gaadiidleyd u kala safarta Goboladda dalka gaar ahaan kuwooda u safra Goboladda dhexe, Mudaaharaadka ayaa salka ku haayo sida ey sheegeen ragii Mudaarahadayey lacag sharci darra ah oo laga qaado eyna qaado Daladda Gaadiidka ee Gobolka Banaadir. Gaadiidleydan ayaa cabasho ka ah Daladda ey ku sheegeen iney tahay mid aan haysan wax sharciyad ah, waxa eyna qaadaa lacag sharci darra ah. Gaadiidleyda ayaa sheegay iney dhiibaan lacagta sharciga ah ee Gobolka Banaadir,balase Daladda ey leeyihiin rag Ganacsata ah oo u soo tafaxeytay iney Gaadiidleyda lacag sameeyaan,waa sida ey hadalka u dhigeen. Qaar ka mid ah Gaadiidleyda sameyneysay Mudaaharadka cabashada ah oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in lacagta laga qaado baabuurta ka baxdo Muqdisho ee aado Galmudug sii socod iyo soo socod laga qaado lacag dhan ilaa $300, waa marka gaarigaadu yahay Leyla Calawi, haddiise gaarigaadu yahay TM ey noqoneyso ilaa $700, PG-gane waxa ey noqoneysaa ilaa $400. Daladda ayaa waxaa abuuray maamulka G/banaadir gaar ahaan Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee G/banaadir ninka la yiraahdo Cumar Fareey,kaaso xilka haayo muddo dhan hal sano iyo daladduna waxa ey jirtaa hal sano waxaane hawshaan uga wakiil Ganacsato goobo ganacsi ku leh suuqyada magaaladda Muqdisho. Milkiile ka mid ah ragii mudaaharaadka ka hadlay ayaa xusay magacyada qaar ka mid ah masuuliyiinta Daladda uu sameeyey Gobolka Banaadir isaga oo kaashanaayo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Daladda waxa uu ku sheegay nin lagu magacaabo C/laahi Cali Salaad laguna naaneyso KAA-DHEEREEY, waxaane Gudoomiye Ku-xigeen u ah San Cadde halka Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda uu u yahay Yuusuf Sheekh Cali Wehliye ahne Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqbacaad ee B/banaadir daladdaan ayaa ah mid sida muuqato loo sameeyey in dhaqaale looga sameeyo Gaadiidleyda u kala gooshta goboladda dalka mana haystaan cid xaqooda iyo xuquuqdooda u taagan iney u difaacdo waayo waxa ey is hayaan waa shabakad isku xiran kana kooban masuuliyiinta G/banaadir iyo ganacsato ka xamaalato suuqyadda G/banaadir.

HALKAAN KA DHEGEYSO.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

GOLAHA WAKIILADDA PUNTLAND OO SAMEYSTAY MUSHA..

Next
Next

GUDIGA GURMADKA G/BANAADIR OO SHIRAY MAANTA.