GOLAHA WAKIILADDA PUNTLAND OO SAMEYSTAY MUSHA..
(SAWIRKA)-GOLAHA WAKIILADDA PUNTLAND.
(GARAWE)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada Afrika uu aafeeyey dagaalka kuwooda aan weli helin Nabad waarta,Xasilooni dhab ah iyo dawladnima si fiican u hana qaada waa marka shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ee taageerta Soomaliya la weydiiyo xaaladda dalka Soomaaliya, midaas bedelkeeda ee ah Nabad,Xasilooni iyo Barwaaqo waxa ey Soomaliya u tahay Siyaasiyiinta Soomaaliya ha ahaadeen Dawlad Goboleed amaba heer Federaal,waa maxay sababta?Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan 2025 ku darsaday mushaar kordhin ay samaysteen.
Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, waxay si rasmi ah u kordhisteen mushaharkooda oo markii hore ahaa $2,500 bishii, halka haatan ay ku darsadeen lacag dhan $1000, taasi oo mushaarka Xildhibaannada ka dhigaysa $3,500 oo Dollar, sida ku cad shaxda mushaaraadka ee Miisaaniyadda 2025. Xildhibaanadii hore ee Puntland ( 2019-2023) ayaa muda sannad ah ( 2024) qaadanayay lacag dhan kun dollar, lacagtaas ayaa sannadkan loogu daray Baarlamaanka joogga, si looga baajiyo mooshin mushahar kordhis ah oo ay dhawaanahan riixayeen. Dhinaca kale, Xildhibaannada qaarkood ayaa bilaabay iney guryo ka iibsadaan magaalada Nairobi, qaarkoodna caruurtooda ayey qurbaha u rareen, taasi oo su’aal gelinaysa, sida ay uga warqabaan karaan duruufaha shacabka ay matalaan oo xaalad dhaqaale xumo ku sugan. Xildhibaanadda Heer Federaal,iyagu waxa ey maanta qaataan Mushaar $5,000 doolarka Maraykanka ah,waxaane intaas u dheer Gunno iyo bedel Safar ey helaan marka ey safar dibadda ugu baxaan,haddiise Xildhibaanku yahay Wasiir Mushaarkiisa waxaa ugu darsameysa barka Mushaarkiisa oo ah $2,500,waxa uuna sidaas ku qaataa lacag dhan $7,500 hadaba Xildhibaanadaan miyuusan dalka Soomaaliya u ahayn dal Barwaaqo,Degan, Nabad ah,Xasiloonina ey ka jirto?
ISHA-PUNTLAND POST.