MUCAARAD MASE IS BEHEYSI SIYAASADEED?

(SAWIRKA)-MUCAARADKA DFS.

(MUQDISHO)-Shalay waxaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ee dalka Soomaaliya looga dhawaaqay Urur Siyaasadeed kaaso ku dhawaaqistiisa la sugaayey maalmihii la soo dhaafay, Urur Siyaasadeedkan ayaa loogu magac daray “CADAALADDA IYO WADAJIRKA”,waxaane xafladii ku dhawaaqistiisa ka soo qeybgalay dad gaarayo ilaa 2-kun oo qofood,waxaane kulankii shalay lagu Ansixiyey Dastuurka, Xeer Hoosaadyadda, waxaane la doortay Xubnaha Gudiga Fulinta ee Ururka iyo Gudoomiyaha ahne Musharaxa Urur ee Doorashada Qof iyo Cod. Hadaba maxaa soo kordhay ka dib ku dhawaaqistii Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka? Waxaa maanta Qoraal soo saaray Madax Urur Siyaasadeed, Reysal Wasaarayaal hore, Madaxweyne Dawlad Goboleed iyo Siyaasiyiin kale oo daneeya Siyaasadda dalka Soomaaliya. Qoraalka la soo saaray ayaa boggiisa ugu dambeeyo waxaa ku qoran magacyo gaarayo ilaa 16-magac balse eysan Saxiixin raga magacyadooda ey ka soo muuqdeen qoraalka, Qoraal kasta oo Siyaasadeed waxa uu ansax ku noqon karaa: (1)-Iney wada saxiixaan dhamaan dadka magacyadooda ey ku qoran yihiin. (2)-iyo Inuu jiro Urur ey ku wada mideysan yihiin oo leh Astaan iyaga u gaar ah isla markaasne ey shaabadeysan tahay, wixi intaas ka soo hara waxa ey noqonayaan ku badsi magac leyskuna dacweyn karo waqti kasta.

HALKAN KA SII AKHRISO:

Previous
Previous

SANNAD GUURADII 82-AAD EE SYL OO MUQDISHO LAGA XUSAY.

Next
Next

GOLAHA WAKIILADDA PUNTLAND OO SAMEYSTAY MUSHA..