TABABARO LOO SOO XIRAY CIIDAMADA BOOLISKA.
(SAWIRKA)-WASIIRKA AMNIGA,TALIYAHA BOOLISKA IYO WAKIILKA EU.
(MUQDISHO)-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi(DIYANO) ayaa si wadajir u soo xiray tababar u socday ciidamo ka tirsan Daraawiishta, waxaana ey masuuliyiintu howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ee (EUCAP) kala wareegeen Gaadiid iyo Agab ciidan oo loogu talagalay ciidamada la Tababaray . Ciidankan ayaa loo carbiyay ka hortagga falalka lidka ku ah ammaanka, waxayna awood u leeyihiin la dagaalanka Khawaariijta Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta xiliyada ey howlgallada ku jiraan maadama lagu tababaray shuruucda iyo xirfadaha la horumariyay ee Booliisku ku shaqeeyo oo mudnaan gaar ah siinaya Bulshada Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa tababar u furay saraakiil baarayaal ah oo ka kala socday Maamul-Goboleedyada dalka, kaasoo lagu horumarinayo Xirfadahooda Baarista Dambiyada. Tababarkan ayaa ujeedkiisu yahay tayeynta iyo horumarinta hab-raacyada baarista dambiyada, si loo helo isku xirnaan iyo hufnaan lagu wajaho fal-dambiyeedyada dalka ka dhaca, looguna waafajiyo hannaan cadaaladeed oo caddaalad suubban ku dhisan. Sidoo kale, tababarkan waxa uu xoogga saaraya xoojinta wada-shaqeynta dhammaan dambibaarayaasha ka hawlgala guud ahaan dalka, si ey si mideysan uga hortagaan dambiyada loona dardar geliyo baaritaannada socda. Taliyaha ayaa tilmaamay in horumarinta xirfadaha dambibaarayaasha ey qeyb ka tahay dadaallada lagu tayeynayo laamaha amniga, si ey si waxtar leh ugu adeegaan shacabka ugana hortagaan khataraha amni.
ISHA-SNTV.