XAALADDA KOONFUR GALBEED OO CIRKA ISKU SII SHAREERTAY.
(SAWIRKA)-LAFTAGAREEN.
(MUQDISH)-Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gashay wejiga kale ee muhiimka ah kadib markii Guddiga Doorashooyinka Maamulka uu bilaabay hawsha xulista xubnaha baarlamaanka. Tani waa tallaabo ay maamulka Laftagareen iyo taageerayaashiisu ku doonayaan in lagu xaqiijiyo hannaan doorasho oo u gaar ah Koonfur Galbeed, inkasta oo mucaaradku uu si xooggan uga soo horjeedo hanaankan.sidoo kalena dowladda dhexe ayaa si weyn uga soo horjeedda. Guddigu wuxuu ka shaqeynayaa soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka, iyadoo la filayo in habkani uu go’aamin doono miisaanka siyaasadeed ee dhinacyada kala duwan. Xulista ayaa ka socota magaalada Baydhabo, halkaas oo maamulka uu xooga saaray difaaca iyo joogitaanka taageerayaasha siyaasadiisa. Arrintan ayaa sii murjisay xaaladda siyaasadeed, maadaama mucaaradka uu arko xulistan inay tahay tallaabo halis gelinaysa wadaxaajoodkii nabadeed iyo fursadaha xal siyaasadeed. Dhanka kale, waxaa socda abaabul ciidan oo labada dhinac ah, iyadoo duleedka Baydhabo ay is hor fadhiyaan ciidamo mucaarad iyo kuwa maamulka ah. Sidaas darteed, xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed waxay noqotay qodob cusub oo kor u qaadaya xiisadda, isla markaana muujinaysa in labada dhinac ay weli ku jiraan xaalad diyaar garow ciidan iyo siyaasadeed oo isku dhafan. Waxaa muuqata in xal nabadeed iyo wadahadal dhab ah ay hadda ka horeeyaan halis dagaal oo toos ah. Mucaaradka ayaa si muuqata dhaqdhaqaaq ciidan uga waddo magaalooyinka Diinsoor, Qansaxdheere, Buurhakaba, iyo Xudur, halkaas oo ay ku abaabulayaan taageero siyaasadeed, maleeshiyaad iyo boqolaal askari oo kasoo horjeedda Laftagareen.
Buurhakaba, ciidanka Itoobiya ayaa horay ula saftay mucaaradka, hub aruursi fara badan iyo diyaargarow dagaal ayaa ka socda, Magaalooyinka kale ee Baydhabo agagaarkeeda waxaa muuqata in mucaaradka ay sii xoojinayaan joogitaankooda, halka maamulka Laftagareen uu xooggiisa ku uruuriyay Baydhabo si loo adkeeyo difaaca iyo joogitaanka taageerayaasha siyaasadiisa. Xaaladda guud ayaa ah mid diyaargarow dagaal ku saleysan, hub la uruurinayo, iyadoo labada dhinac ay u muuqdaan kuwo isku diyaarinaya iska hor imaad haddii khilaafku sii kordho, halka odayaasha dhaqanka iyo baaqyada caalamiga ah ay weli wadaan dadaallo lagu daminayo xiisadda. Baraawe oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa hadda si buuxda gacanta ugu jirta ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo maamulka Cabdicasiis Laftagareen uu si muuqata uga baxay magaaladaas. Ciidanka dowladda ayaa si buuxda u xakameynaya amniga Baraawe, waxaana muuqata in maamulka Koonfur Galbeed uu lumiyay awooddii uu ku lahaa caasimadda, taasoo ka dhigan in mucaaradka iyo taageerayaasha dowladda dhexe ay halkan si buuxda u maamulayaan. Midowga Yurub ayaa si weyn uga walaacsan xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya. Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa ku baaqday in khilaafka jira lagu wajaho wadaxaajood iyo isfaham, iyadoo tilmaantay in xalka kaliya ee lagu gaari karo xasillooni uu yahay in dhinacyada isku haya siyaasadda ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan. Hadalka Wakiilka Midawga Yurub Francesca di Mauro ayaa qoraal kooban waxa ey soo dhigtay Barta X, qoraalkeeda ayaa qornaay sidan:”Xafiiska Midawga Yurub ee Soomaaliya waxa uu la socdaa xaaladda soo kordheysa ee dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya iyadoo walaac laga muujinaayo. Wada hadal wax dhisaayo waa muhim waqtigaan, dhammaan dadaaladda dhexdhexaadintane waa la soo dhaweynayaa waane in la siiyaa fursad”.
ISHA-GJ.