MAAMULKA KGS OO BEENIYEY INEY GACANTA KU DHIGEEN DIYAARAD.

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA DG KGS-UGAAS.

(BAYDHABO/KGS)-Tan iyo saakay, waxa ey warbaahinta madaxa Banaan ee Suuq-bacaad Media u kuurgal ugu jirtay wararka sheegaayo in Ciidamadda gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iney gacanta ku dhigeen Diyaarad nuuceedu yahay kuwa Qumaatiga u kaca eyna iska leeyihiin Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed, arrintaan ayaa la soo sheegay ineey ka dhacday garoobka Diyaaradah ee degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee DG Konfur Galbeed Soomaaliya. Afhayeenka DG Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Xasan Cabdi Maxmed(Ugaas) oo u waramay Warbaahinta Dawan Media ayaa xaqiijiyey ineysan jirin wax ka run ah wararka sheegaayo in ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iney gacanta ku dhigeen diyaarada ey leeyihiin CXDS amaba iney ku dhacday magaaladda Baydhabo. Beeninta afhayeenka KGS Md.Ugaas ayaa daba socoto warar aan la hubin runnimadooda oo soo baxay aroornimadii hore ee maanta oo Talaada ah kuna beegan 24/3/2026-ka, kuwaaso sheegaayey in diyaarad ey leeyihiin ciidamadda XDS kana baxday degmada Waajid la raasseeyey iyada oo rabta iney ku degto garoonka diyaaradaha Col.Shaati-gaduud ee magaaladda Baydhabo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee DG Koonfur Galbeed Soomaaliya, ka dibne ey gacanta ku dhigeen ciidamadda maamulka KGS. Dhinaca kale, Wasiiradda Amniga Gudaha iyo Warfaafinta ee maaulka KGS ayaa been abuur ku sheegay wararka sheegaayo in ciidamada KGS iney gacanta ku dhigeen diyaarad Helicopter ah ey leeyihiin Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ka dib markii Tv-ga Shabeelle ee magaaladda Muqdishu uu kula xiriiray khadka Telefoonka. LA SOCO WIXI SOO KORDHO.

ISHA-SUUQ-BACAAD MEDIA/BAYDHABO/NAIROBI.

Previous
Previous

TALISKA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO KA HADLAY WARAR..

Next
Next

XAALADDA KOONFUR GALBEED OO CIRKA ISKU SII SHAREERTAY.