TALISKA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO KA HADLAY WARAR..
(SAWIRKA)-DIYAARAD-HELICOPTER AH.
(MUQDISHO)-DEG DEG: Weli waxa aan idinla wadaageynaa wararka beenta ah ee lagu faafiyey baraha bulshada maanta oo Talaada ah kuna beegan 24/3/2026-ka, wararkaaso sheegaayey in Ciidmadda Maamulka KGS uu gacanta ku dhigay diyaarad ey iska leeyihiin Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed, diyaaradda la sheegay iney u gacangashay ciidamadda maamulka KGS ayaa nuuceeda lagu sheegay iney tahay kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka, waxaan waqti sii horeysay oo maanta ah beeniyey maamulka KGS, hadane waxaa beeniyey Taliska Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed soona saaray War saxaafadeed u qoran sidan: ”Muqdish-24/3/2026, Tliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Taliska Ciidanka Xooga Dalkka Soomaaliyeed(CXDS) ayaa si cad u beeninaya warar been abuur ah oo lagu faafiyey qaar ka mid ah Warbaahinta iyo Baraha bulshada, kuwaaso sheegaya in diyaarad nooca Helicopter ah ey ku dhacday magaaladda Baydhabo. Taliska CXDS wuxuu xaqiijinayaa in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaane ey jirin wax shil ah oo noocaas ah oo ka dhacay Baydhabo ama degaanadda ku xeeran. Wararka been abuurka ah ayaa u muuqdo kuwa lagu doonaya in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed laguna wiiqo kalsoonida hayadaha amniga dalka. Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa Warbaahinta iyo bulshada iney ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaane ey xogta saxda ah ka helaan ilaha rasmiga ah ee ciidanka. Ugu dambeyn, Taliska CXDS wuxu xaqiijinayaa in xaaladda amni ee Baydhabo ey tahay mid degan, ciidankuna ey si buuxda ugu gudanayaan waajibaadkooda Qaran”.
HALKAN KA AKHRISO QORAAKA CXDS.
ISHA