DAACISH OO HOOBIYEYAAL KU WEERARTAY DEGAANKA SHEEBAAB.

(SAWIRKA)-DEGAANKA DAACISH WEERARTAY.

(QANDALA/BARI/PL)-Wararka ka imanaayo degmada Qandala ee Gobolka Bari Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in Kooxda Daacish ay maanta hoobiyayaal ku weerareen tuulada Sheebaab oo hoos tagta degmada Qandala ee Gobolka Bari ee buuraha Calmiskaad. Sheebaab ayaa ka mid ahayd degaanadii Daacish laga saaray bishii labaad ee sannadkii hore, halkaas oo ah xaruntii taliska u ahayd horjoogayaasha ugu sarreeya kooxda Daacish ee Soomaaliya. Wararka ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah madaafiicda hoobiyeyaasha uu ku dhacay anteeno ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Golis, taasoo sababtay in adeegyada isgaarsiintu ay hakad galaan muddo kooban. Ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarka. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee la soo wariyo in Daacish ay adeegsato madaafiic tan iyo markii dowladdu ku dhawaaqday in ay inta badan soo gabagabeeysay howlgalka Calmiskaad. Puntland ayaa sheegtay in la wiiqay awoodda kooxda, isla markaana ay hareen unugyo yar yar oo firxad ah oo ku dhuumaaleysanaya togga Baallade. Si kastaba ha ahaatee, wararka hadda soo baxaya ayaa muujinaya walaac cusub, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in kooxda Daacish ay bilihii u dambeeyay si joogto ah u helaysay sahay, arrintaas oo su’aalo ka dhalisay natiijada howlgalka socday muddo sanad ah oo ay Puntland kula dagaalamaysay Daacish. Ma jiro weli wax war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aaddan weerarkan iyo dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacish. Puntland ayaa boqolaal askari iyo saraakiil muhiim ah ku weyday dagaalka Calmiskaad.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MAXKAMADA CIIDAMADA OO XUKUNO KU RIDAY EEDEYSANAYAAL.

Next
Next

TALISKA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO KA HADLAY WARAR..