MW.XASAN SHEEKH OO LA KULMAY ODAYAASHA DHAQANKA KGS.
(MUUQAALKA)-SULDAAN BUUBE CABDULLE BUUBE.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii afka la furay kuna beegneed maalintii Jimcaha bishane Maarsane ey ahayd 20-ka, waxaa magaaladda Muqdisho ka socday shir u gaar ah Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeedo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Maalintii Sabtida taariikhduna ahayd 21/3/2026-ka, waxaa Odayaasha dhaqanka KGS u suurtagashay iney la kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyagoo gaaraayo ilaa 18-Oday dhaqameed kana soo wada jeedo KGS. Odayaasha Dahaqanka ee KGS ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa ey ka codsadeen in la siiyo fursad dhan afar maalmood si ey wax uga qabtaan xaaladda hadda ka taagan degaanadda KGS, arrintaasne Mw.Xasan Sheekh Maxmuud si aad ah ayuu u soo dhaweeyey sida ey sheegeen Odayaasha dhaqanka KGS. Isla habeenimadiine Suldaan Buube Cabdulle Buube ahne Madaxa Odayaasha Dhaqanka ee DG KGS ayaa xiriir la sameeyey Gudoomiyaha Aqalka Wakiildda DG Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Dr.Cali Siciid Fiqi, waxa uuna gaarsiiyey in Odayaasha Dhaqanka ee KGS kuna sugan Muqdisho iney rabaan iney la hadlaan Mw.Laftagareen, waxaane suurtagashay iney wada hadlaan Suldaan Buube iyo Mw.Laftagareen, Suldaan Buube ayaa Mw.Laftagareen u sheegay in xaaladda taagan wax laga qabto si deg deg ah, Mw.Laftagareene waa uu soo dhaweeyey. DFS iyo DG KGS, labaduba waxa ey soo kala saareen waraaqo iska soo wada horjeedo taaso dhalisay in odayaashii weday hawsha ey soo wajahdo cabsi iyo culeys wada socdo, waxa ey dib ugu laabteen Mw.Xasan Sheekh Maxamud, waxa eyna ka codsadeen in Odayaash Dhaqanka ee KGS awood loo siiyo iney meel isugu keenaan reer KGS, gogolne u dhigaan magaaladda Baydhabo ee hadda ah Caasimadda Ku meel gaarka ah DG Koonfur Galbeed Soomaaliya, eyna gogoshaasi ey isugu yimaadaan dhammaan Siyaasiyiinta reer KGS Mucaarad iyo Muxaafidba, walaayadiina lagu wareejiyo Odayaasha Dhaqanka KGS, si ey u fidiyaan gogol dib u heshiisneed, loona gaaro go’aano la xiriiro Nuuca Doorashada loogu tartamaayo Hogaanka KGS, arrintaane waa uu ka aqbalay Madaxweyne Xasan. Odayaasha Dahaqanka ee KGS ayaan sheegin in Mw.Laftagareen ogol yahay in degaanadda KGS lagu qabto nuuc Doorasho oo wadar ogol ah balse waxa ey sheegeen inuu Odayaasha ka aqbalay wixii kale ey soo jeediyeen. Odayaasha Dahqanka ee KGS ayaa dhinacyada ka codsaday in la joojiyo wararka xanafta leh ey masuuliyiinta labada dhinaca hawada isu marinayaan iyo in la hakiyo daabulidda ciidamadda labada dhinacba. Odayaasha ayaa xusay in haddii lagu heshiiyo Nuuca Doorashada laga qabanaayo KGS ey qasab tahay in Garoonadda diyaaradaha ee degaanadda KGS ee hadda xiran la wada furo, cid walbana ey ka soo degi karto kana dhoofi karto ha ahaado Siyaasi amaba qof shacab ah. Odayashan qaarkood ayaa ah kuwa ka tirsan 135-Oday dhaqameed ey salka u ahaa dawlad dhiska Soomaaliya, waxa eyna sheegeen iney weli u taagan yihiin sidii Soomaaliya nabad waarta u heli lahayd ugana bixi leheed dhibaatada haysata shacabkeeda. Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeedo KGS ee la kumay Mw.Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Suldaan Buube Cabdulle Buube-Begedi. (2)-Suldaan Warsme Suldaan Ibrahim-Jiido. (3)-Ugaas Shire Ugaas Warsame-Wacdaan. (4)-Ugaas Nuur Shaakow Jibriil-Garre.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.