DEGAMAD WAAJID EE G/BAKOOL OO LAGU XABADEEYEY DIYAARAD SIDAY MASUULIYIIN.

(MUUQAALKA-DIYADA STAR AIRLINE)-

(WAAJID/BAKOOL)-Wararka laga helaayo degmada Waajid ee Gobolka Bakool DG Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi lagu xabadeeyey diyaarad siday masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka socday dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, diyaaradda la xabadeeyey ayaa waxaa iska laheed Shirkadda Diyaaradaha Star Airline, waqtiga la xabadeeyey diyaaradda ayaa la sheegay inuu ahaa waqti ey diyaaradda isu diyaarineysay iney degto. Duuliyaha diyaaradda ayaa qaatay go’aan ah inaan diyaaradda lagu dejin Garoonka Diyaaradaha ee degmada Waajid bacdamaa askarta xabadeysay diyaaradda ey yihiin kuwa ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaamiyo Laftagareen kaaso hadda uu khilaaf xoogan kala dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya. Shirkadda Diyaaradah Star Airline ma eysan ka hadlin wixii soo gaaray diyaaradooda iyo rakaabkii ey uga soo tagtay degmada Waajid ee soo raaci lahaa diyaaradda la xabadeeyey. DG Koonfur Galbeed ayaa hadda gashay xaalad adag oo Siyaasadeed iyo mid Ciidanba waayo waxaa degmooyinkeeda qaar la wareegay gacan ku heyntooda rag sheegta iney yihiin Mucaaradka KGS rabaane in degaanadda KGS ey ka dhacdo doorasho Xor iyo Xalaal ah. Magaaladda Baydhabo oo hadda ah xarunta ku meel gaarka ah ee DG Koonfur Gabeed Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo abaabul adag ey wadaan kooxda taageerto Laftagareen si ey ula wareegaan degmada Buur-hakaba ey gacanta ku hayaan xoogaga tabacsan Mucaaradka Laftgareen.

ISHA-SB-MEDIA/BAYDHABO.

Previous
Previous

MW.XASAN SHEEKH OO LA KULMAY ODAYAASHA DHAQANKA KGS.

Next
Next

HARGEYSA OO LAGU QABTAY 127-HARAMCAD OO LOO WEDAY IMAARAATKA CARABTA.