WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY HUMBURG DALKA JARMALKA.

(SAWIRKA)-ASKAR JOOGTA GOOBTA WEERARKU KA DHACAY.

(HAMBURG)-Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacantay oo qaarkood ey halis yihiin weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, sida ey wararku sheegayaan. Haweeney ayaa booliska Federaalku xireen ka dib weerarkii ka dhacay saldhiga dhexe ee Tariinka Hamburg fiidnimadii Jimcaha, sida uu sheegay Wargayska Bild. Ma aysan xaqiijin booliska. Saddex ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay iney xaaladoodu liidato, saddex kalena dhaawacoodu culus yahay, lix kalena dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray, sida uu Wargeysku sheegay. Sida ey wararku sheegayaan tooreeyuhu waxa uu dhacay (6:05)-Galabnimo ee ka soo horjeedka tareen ku sugnaa saldhiga. Booliska ayaa isku gadaamay agagaarka saldhiga, waxaana la hakiyay isu socodkii tareenka. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay ciidamo booliis ah iyo shaqaalaha caafimaadka oo u gurmaday dad badan oo dhaawac ah. Booliska Hamburg ayaa ku sheegay boostada bartiisa X: "Sida laga soo xigtay xogta hore, qof ayaa dhowr qof ku dhaawacay mindi goobta tareenka weyn. Tuhmanaha waxaa qabtay ciidamada jawaabta." Waxay markii dambe soo saareen bayaan ey ku yiraahdeen: "Qofka la xiray waa haweeney 39 jir ah, iyadoo ku saleysan inta aan ognahay ilaa hadda, waxaan u maleyneynaa iney keligeed samaysay, baaritaanka sababaha [weerarka] ayaa si xawli ah ku socda." Booliiska goobta. Afhayeen u hadlay Waaxda dab damiska ee Hamburg ayaa sheegay in 12 qof ey ku dhaawacmeen weerarka. Dadkaas waxaa ka mid ahaa "lix qof oo qaba dhaawacyo halis ah", ayuu u sheegay Wakaaladda wararka ee AFP. Saldhigga ku yaal Hamburg, magaalada labaad ee ugu weyn Jarmalka, waa xudunta tareenada deegaanka, gobolka iyo kuwa fog-fog. Hubka ey ku jiraan mindiyaha ayaa ka mamnuuc ah saldhiga iyo gaadiidka deegaanka ee magaalada. Hawlwadeenka tareenada ee Jarmalka Deutsche Bahn ayaa Barta X ku sheegay in afar goobood oo saldhiga tareenka ah la xiray. Dhacdadu waxay u horseedi doontaa "dib u dhac iyo leexin ku yimaada adeegyada fog-fog", ayuu yiri Deutsche Bahn. Inkastoo aan la ogeyn sababta keentay weerarka, dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee weeraro xiriir ah oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay dalka Jarmalka. Horaantii todobaadkan, afar qof ayaa ku dhaawacmay tooreey ka dhacay baar ku yaala Bielefeld. Booliiska ayaa xiray magangalyo doon Suuriyaan ah oo looga shakiyay weerar diimeed. Waxay timid ka dib weerarro mindi oo la mid ah oo ka dhacay Aschaffenburg bishii Jannaayo iyo Solingen sannadkii hore, taas oo keentay in Jarmalku dib u soo celiyo kontaroolada ballaaran ee xuduudaha. Dhowr qof ayaa sidoo kale lagu dilay labo baabuur oo lagu weeraray Magdeburg ka hor Christmas-ka iyo Munich , wax yar ka hor doorashadii Qaranka ee Jarmalka bishii Febraayo. Eedeysanaha dhacdada Magdeburg waxa uu ahaa magangalyo doon Sacuudi Carabiya ah oo faafiyay aragtiyo shirqool ah oo ku saabsan dowladda Jarmalku iney silciso Muslimiin hore. Kiiskii Munich, nin Afgaanistaan ​​ah oo 24 jir ah ayaa la xiray, kaas oo mas'uuliyiinta lala xiriiriyay fikradaha Islaamiyiinta. Dowladda cusub ee Jarmalka ayaa dhawaan kordhisay howlgallada ey ka waddo xuduudaheeda, waxayna ku dhawaaqday iney iska celin doonto inta badan dadka sida joogtada ah u yimaada, iyadoo isku dayaysa iney wax ka qabato arrimaha ammaanka.

ISHA-THE TIME.

Previous
Previous

TALYAANIGA IYO FARANSIISKA OO QABTAY SHABAKAD TAHRIIBISA DADKA.

Next
Next

MAWLACA MACALLIN NUUR OO LAGU MARTIQAADAY MUCAARADKA DFS.