TALYAANIGA IYO FARANSIISKA OO QABTAY SHABAKAD TAHRIIBISA DADKA.

(SAWIRKA)-BAABUURTA XAMUULKA.

(PARIS-ROME)- Hayadaha Amaanka ee Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa burburiyey shabakad dadka tahriibisa iyo Hay’ad ka shaqeysay labada dal. Howlgalka ayaa lagu soo qabtay 13 qof. Booliska Talyaaniga ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo Jimca ah ku sheegay in Shabakaddan ey tahriibayaal aan caadi ahayn ka soo qaaday gobolka Ventimiglia ee dalka Talyaaniga (Waqooyi Galbeed ee dalka) kuna sii jeeday magaalada Nice ee dalka Faransiiska, iyagoo isticmaalaya ku dhawaad ​​20 baabuur iyo baabuur yar yar oo ka diiwaan gashan Faransiiska. Sida lagu sheegay bayaanka, muhaajiriinta ayaa markii ugu horeysay lagala soo xiriiray magaalada Ventimiglia ee dalka Talyaaniga, ka hor inta aan loo gudbin magaalada Nice ee dalka Faransiiska, iyadoo loo sii marinayo wax lagu tilmaamay "adeegga aan sharciga ahayn, haddana akhlaaqda leh oo ku dhow adeeg raaxo." Illaa shan muhaajiriin ah, oo u badan Tunisia, Masar, Bangladeshi, iyo Ciraaq, ayaa la daabuli jiray waqti kasta waxaana lagu dejin jiray tareennada ama saldhigyada basaska ama waddooyinka waaweyn. Baaritaanka 18-ka bilood socday ayaa daaha ka qaaday "shabakad si wanaagsan loo soo agaasimay oo habeysan" oo ka kooban shaqsiyaad asal ahaan Ajnabi ah, awoodna u leh iney abaabulaan agabka saadka iyo hawlgalka.

250-EURO ILAA 75-EURO:

Iskaashiga dhanka ammaanka ee labada dal ayaa sababay in lix qof oo Faransiis ah oo dhalasho ahaan loo haysto lagu xiray magaalada Nice, iyo 7 kale oo Talyaaniga lagu xiray, oo ey ku jiraan labo Marookaanah, hal Tunisiyaan ah, Saddex Suudaan ah iyo mid Afgaanistaan ​​ah. Dhammaan maxaabiista waxaa la hoos geeyey ilaalinta Garsoorka, halka midna la dhigay xabsiga ka hor Maxkamadeynta. Wiretaps ooo ah qalab si sir wax u duubo ayaa shaaca ka qaaday in howsha tahriibinta ey tahay mid faa’iido badan laga helay, iyadoo laga qaadayo 250 Yuuro qof rakaab ah oo saarnaa gaari Sedan ah iyo 75 Yuuro oo xamuul ah.

ISHA-AA.


Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO FARAGELINTA SHISHEEYE.

Next
Next

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY HUMBURG DALKA JARMALKA.