MAWLACA MACALLIN NUUR OO LAGU MARTIQAADAY MUCAARADKA DFS.

(SAWIRKA)-MAWLACA MACALLIN NUUR.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliay ee Muqdisho ayaa sheegaayo in saacado ka hor guriga Ex-MW-Sheekh Shariif Sh.Axmed ee magaaladda Muqdisho uu ku soo dhammaaday kulan ey albaabada u xiran yihiin oo qaatay mudoo saacad ah. Kulanka ayaa waxa uu dhexeeyey Ex.MW-Shariif, EX-RW-Xasan Cali Kheyre, Ex.RW-Cumar C/rashiid, Madaxweynihii hore ee DG K/Galbeed Md.Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku ah DFS oo ey ka mid yihiin “Qalato, Jeesaw, Xeyle, Gama’adiid, Kooshin’,Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS Md.Axmed Ciise Cawad,Agaasimhii Hore ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ahne Musharax u taagan xilka Madaxweynaha DG Galmudug, masuuliyiintaan qaarkood ayaa shalay soo gaaray magaaladda Muqdisho si ey u xoojiyaan amaba u dardargeliyaan hawlaha looga soo horjeedo Doorashooyinka dalka ey wado DFS. Kulanka ka dib,masuuliyiinta ayaa u soo dhaqaaqday Xarunta MU’ASASADA MACALLIN NUUR”ee degmada Hodan G/banaadir,waxa eyna halkaas kula kulmeen Khaliif C/qaadir Macallin Nuur ahne Hogaamiyaha Urur Siyaasadeedka SAMADOON hadal kooban uu goobta ka jeediyey Khaliif C/qaadir ayuu ku sheegay in XFS ey wax badan qabatay waxna ey dhiman yihiin dadkii la dhammayn lahaane ey yihiin Mucaaradka DFS, waxa uuna DFS ugu baaqay iney ka dhabeyso Gogoshii ey fidisay balaarisane hawlaha la qabanaayo,waxa uuna Mucaaradka ka codsaday iney ka qeyb qaataan la dagaalanka Argagixisada AL-shabaab iyo Daacish taaso Mucaradku eysan horay uga qeyb ahayn balse lagu tuhmaayey iney sabab u yihiin in ALshabaab soo gasho dhul horay looga xureeyey sida degaano ka tirsan G/shabeeladda dhexe ee DG H/shabeele. Waxaane kulamo gaar gaar ah yeeshay Mucaaradka DFS ka hor iyo ka dib qadadii ka dhacday Mawlaca Macallin Nuur,waxa eyna iska wareysteen xaaladda guud ee dalka,sidoo kale, waxaa la filayaa in Mucaaradku uu soo saaro go’aamo ku wajahan xaaladda guud ee dalka ka dib marka ey yeeshaan shir weyne lagu wado inuu Muqdisho ka qabsoomo maalinta Talaadada ah ee inagu soo fool leh kuna beegan 27/5/2025-ka,Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay hadal u cuntami waayey dadkii joogay Mawlaca iyo intii kale oo maqashay, Xildhibaanka ayaa yiri”Masaajidkaan maanta ku soo dukanay laakin Masaajidada kale caadi uguma dukan karno,waxaan ugu dukan karin waxaa waaye Argagixisaa waxay la fadhisaa Qarax iyo mushkilo”. Dhinaca kale, dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta ayaan weli ku guuleysan iney kulansiiso si fool ka fool ah labada Hogaamiye Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo fure ah hawlaha Imaaraatku ka damacsan iney kaga takhalusto hawlaha ey wado DFS ee waqtigeedo gabaabsiga sii yahay.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY HUMBURG DALKA JARMALKA.

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAAYO SUUDAAN.