MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAAYO SUUDAAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA SUUDAAN.

(KHARTOUM)-Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogi doona dalka Sudan ka dib markii ey go’aamisay in dawladiisu adeegsatay hubka kiimikada sanadka 2024-ka, sida ey maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka. Go'aanka, oo lagu sameeyay Xeerka Xakamaynta Hubka Kiimikada iyo Bayoolojiga iyo Joojinta Dagaalka ee 1991 (Xeerka CBW), ayaa loo gudbiyay Congress-ka iyada oo ey weheliso in Suudaan ey ku dhaqmi weydo Heshiiska Hubka Kiimikada (CWC), oo ey dhinac ka tahay. "Maraykanku waxa uu ugu baaqayaa dawladda Suudaan in ey joojiso dhammaan isticmaalka hubka kiimikada oo ey ilaaliso waajibaadkeeda hoos yimaada CWC," Af hayeenka waaxda Tammy Bruce ayaa ku yiri bayaan. Ka dib 15-maalmood muddada ogeysiinta shirweynaha, cunaqabataynta ayaa la filayaa iney dhaqan gasho ku dhawaad ​​Juun 6, 2025, marka la daabaco ogaysiiska Diiwaanka Federaalka. Tallaabooyinka waxaa ka mid noqon doona xannibaado la saarayo wax-soo-saarka Mareykanka ee Suudaan iyo xaddididda gelitaanka khadadka deymaha ee dowladda Mareykanka. Mareykanka ayaa ku celiyay sida ey uga go'an tahay in lala xisaabtamo kuwa mas'uulka ka ah ka qayb qaadashada fidinta hubka kiimikada. Soo shaac-baxa isticmaalka hubka kiimikada ee Suudaan ayaa daba socday warbixinno hore oo falalkan oo kale ah. Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday New York Times oo la daabacay Janaayo 16, 2025, saraakiil sar-sare oo Maraykan ah ayaa tilmaamay in militariga Suudaan ey u isticmaaleen hubka kiimikada ugu yaraan laba jeer kooxda dabadhilifka ah oo ey dagaalka kula jirto talada dalka ee Rapid Support Forces (RSF). Hubkan ayaa lagu soo warramayaa in dhawaan la geeyey degaano fog-fog oo ka tirsan dalka Suudaan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayey xubnaha RSF-ta, iyadoo saraakiisha Maraykankuna ey walaac ka muujiyeen suurtagalnimada in mustaqbalka loo adeegsado qaybaha dadku ku badan yahay ee caasimadda Khartoum. Soo shaac bixitaannadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo horay Maraykanku uu cunaqabatayn ugu soo rogay taliyaha ciidamada milateriga Suudaan Gen. Abdel Fattah al-Burhan, ka dib markii lagu helay tacaddiyo la diiwaan-geliyay oo ey ka mid yihiin duqeymo aan loo meel dayin oo loo geystay dad rayid ah iyo in gaajo loo adeegsaday hub dagaal. Isticmaalka hubka kiimikada ayaa muujinaya koror weyn oo ku yimid iskahorimaadka u dhexeeya millatariga Suudaan iyo RSF, kaasoo billowday Abriil 2023. Iskahorimaadku wuxuu horseeday dhibaato bini'aadantinimo oo daran, iyadoo lagu qiyaasay 150,000 oo qof lagu dilay, in ka badan 11 milyan oo barokacay, iyo macluushii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah.

ISHA-SUDAN TRIBUNE.

Next
Next

MAXKAMAD FEDERAAL AH OO WAR KA SOO SAARTAY DILKII..