WEERAR DAD KU DHAAWACMEEN OO KA DHACAY G/KOLORAADO EE DALKA MARAYKANKA.

(SAWIRKA)-GOOBTA WEERARKU DHACAY.

(COLORADO)-Booliska Gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixiyey tuhmanaha weerarka ka dhacay meel u dhaw goob uu ka socday banaanbax ey jaaliyadda Yahuuda ku muujinaayeen arrinta la heystayaasha oo ku taalo Boulder ee Suuqa Pearl Street Mall,meeshaan ayaa ah goob caan ah oo laga dukaameysto oo ku taalo magaaladda. Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha uu yahay Maxamed Sabri Suleymaan oo 45-jir ah,booliska ayaa intaas raaciyey sheegayne in weerarka loo baaraayo inuu yahay mid Argagixiso,”Ma aaminsanin iney jiraan dad kale oo looga shakisan yahay weerarkaas”. Taliyaha Booliska ee Boulder Stephen Redfern ayaa sheegay in macluumaadka ku saabsan weerarka oo ka dhacay meel ku dhaw goob uu ka jiray banaanbax lagu taageeraayey la heystaasha reer Isra’iil ee lagu heysto Marinka Gaza uu yahay mid hordhac ah.Agaasimaha Hayadda FBI-da ee dalka Maraykanka Kash Patel ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid ah”Weerar Argagixiso oo dad lala beegsaday”. Xeer ilaaliyaha ee Gobolka Colorado Phil Weiser ayaa sheegay in dhacdadani ey u muuqato iney tahay “Dembi neceyb ah marka loo fiiriyo kooxda la beegsaday”. Si kastaba ha ahatee,taliyaha Booliska Boulder ayaa ku nuuxnuuxsaday iney goor hore ahayd in la qiyaaso ujeedka. Taliyaha Booliska ee Boulder ayaa yiri”Ma ugu yeereyno weerar Argagixis xilligaan”, isagoo xusay in dhibanayaashu ey soo gaareen gubasho. Weerarku waxa uu ka dhacay meel ey maraan dadka Mudaaharaadayo kuwaaso dalbanayey in la sii daayo la heystayaasha reer Isra’iil ee weli lagu heysto Marinka Gaza. Ururka Anti-Defamation League oo ah koox u ololeysa Yahuuda ayaa barteeda X ee horay loogu yaqiinay Twitter-ka ku sheegtay iney ka warqabto wararka sheegaayo weerar ka dhacay Boulder oo ey ka jirtay hawl. Ururka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhacdadani tahay kulan todobaadle ah oo ey xubnaha bulshada Yahuuda ah ee taageero la heystayaasha Yahuuda ah kuwaaso lagu qabtay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/2023-kii. Weerarkaan ka dhacay Gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa ku soo beegmaya todobaadyo ka dib markii nin u dhashay magaaladda Chicago ee dalka Maraykanka uu toogasho ku dilay laba ka mid ah shaqaalaha Safaaradda Isra’iil ee magaaladda Washington D.C,isagana waxaa loo taxaabay xabsiga. Warar dheeraad ah ayaa sheegaayo in ninka geystay weerarka uu u dhashay dalka Masar,waxa uuna dalka Maraykanka soo galay laba sano ka hor waxaane ka dhacay dal ku galkiisii,waxaane hadda lagu soo oogay weerar Argagixiso kaaso ey ku dhaawacmeen ilaa lix qofood oo da’a ah kuwaaso ey da’adoodu u dhexeyso 67-jir ilaa 88-jir,sida ey sheegeen masuuliyiinta Maraykanka. LA SOCO WIXI SO KORDHO.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MW-GEELLE OO QAABILAY RW-XAMSE IYO WAFDIGIISA.

Next
Next

MUCAARADKII FARMAAJO IYO KAN MAANTA KEEBAA ADAG?