MUCAARADKII FARMAAJO IYO KAN MAANTA KEEBAA ADAG?

(SAWIRKA)-MUCAARADKA.

(MUQDISHO)-Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad dib u dhis Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Amni, iyadoo dowlad kasta oo timaadda ey la kulanto sanadkeeda ugu dambeeya mucaaradad xooggan oo leh ujeeddooyin iyo istiraatiijiyado kala duwan. Waxaanu isbarbardhig ku sameynayaa mucaaradnimadii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo tan dowladda haatan jirta ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

1. Qaabka Mucaaradnimada

Mucaaradka Farmaajo (2017–2022):
Mucaaradnimada ka dhanka ahayd Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd mid si xooggan uga dhisan gudaha Muqdisho, waxaana horkacayey siyaasiyiin hore xilal u soo qabtay, oo uu ku jiro Xasan Sheekh laftiisa. Mucaaradku wuxuu xooga saaray arrimaha doorashooyinka, ka hortaga muddo kororsiga, iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Banaanbaxyada Mucaaradka, shirarka ey qabteen iyo warbaahinta ey isticmaaleen waxay muujiyeen cadaadis xooggan oo loo arkay inuu saameeyay dowladii jirtay.

Mucaaradka Xasan Sheekh (2022–2025):

Mucaaradnimada haatan jirta waxay u badan tahay dhaleeceyn joogto ah oo ku wajahan maamulka Xasan Sheekh, gaar ahaan arrimaha wax ka bedelka Dastuurka, iyo doorashooyinka Qof iyo Cod oo ey ka shaqaynayso iney dalka ka qabato xili ey jiraan Maqnaashaha labada Maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubaland oo dagaal siyaasadeed uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka. Mucaaradkan wuxuu ku badan yahay baraha bulshada, warbaahinta Madaxa bannaan, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin ka tirsan Baarlamaanka. Si kastaba, mucaaradkani weli ma gaarin heer abaabul xooggan oo la mid ah kii Farmaajo ka hor yimid dhamaadkii mudo xileedkiisa.

2. Doorka Warbaahinta iyo Baraha Bulshada

Xilligii Farmaajo: Warbaahinta madax bannaan iyo baraha bulshada waxay si weyn u taageereen mucaaradka, iyadoo la adeegsaday muuqaallo, qoraallo iyo barnaamijyo lagu dhaliilayo dowladda. Waxaa jiray dareen muujinaya in dowladda Farmaajo ey isku dayday caburin warbaahineed, taas oo sii kordhisay cadaawadda mucaaradka.

Xilligan Xasan Sheekh:

Inkasta oo dowladda Xasan Sheekh ey u muuqato mid furfuran, haddana baraha bulshada waxaa si joogto ah loogu weeraraa dowladda. Muuqaallo ka dhanka ah Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo dagaalka Al-Shabaab ayaa aad u faafa, waxaana muuqda in dowladda aanay si buuxda u maarayn karin jawaab celinta warbaahinta bulshada.

3. Xiriirka Dowlad Goboleedyada

Farmaajo waxaa lagu dhaleeceeyay inuu isku dayay inuu hoos geeyo Madaxda maamul goboleedyada dowladda dhexe, taasoo keentay khilaafyo Siyaasadeed oo baahsan (sida kiiska Jubbaland iyo Puntland). Tani waxay dhidib u ahayd mucaaradnimada baahsan ee ka soo horjeeday xukunkiisa. Dhanka, Dowladda Xasan Sheekh waxay billowday xiriir is-afgarad ah oo lala yeeshay dowlad goboleedyada, inkasta oo ey jiraan caqabado, sida khilaafka Siyaasadeed ee kala dhexeeya Puntland iyo Jubaland oo ey ka midaysnaayeen Farmaajo iyo Xasan Sheekh. Si kastaba, mucaaradnimada heer dowlad goboleed ayaa loo arkay bilaawgii hore ah mid ka yar tii hore.

4. Amniga iyo Dagaalka Al-Shabaab

Dowladii Farmaajo: Mucaaradku wuxuu ku eedeeyay Farmaajo in dowladdiisu ineysan wax badan ka qaban Amniga gudaha, inkasta oo la sameeyay isbedel ciidan iyo isku dayo lagu xoojiyay dhismaha ciidamada qaranka. Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dagaalka Al-Shabaab ka dhigay halbeeg siyaasadeed oo muhiim ah, balse mucaaradku wuxuu sheegaa in natiijooyinka eysan la jaanqaadin hadallada iyo ballanqaadyadii dowladda. Maadaama bilaawgii hore ee dowladda Madaxwayne Xasan Shiikh ey guulo ka gaartay dagaalka laguna xoreeeyay qaybo badan oo. Ka mid ah Galmudug iyo Hirshabeelle, waloow ey dowladu ey soo baneeysay magaalooyin hore looga xoreeyay kooxda AS qaybo badan oo ka mid ah shabeellaha Dhexe, iyo mararka qaar fashilka weerarada ayaa keenay dhaleeceyn.

5. Saameynta Dibadda iyo Heshiisyada Caalamiga ah

Farmaajo: Wuxuu ku dadaalay xiriir xooggan oo uu la yeesho dowlado qaar sida Qatar iyo Turkiga, balse waxaa lagu dhaleeceeyay in arrimaha dibadda uusan si fiican u miisaamin. Dhanka Xasan Sheekh: Mucaaradku wuxuu si weyn u dhaleeceeyaa heshiisyada badan ee dowlada Xasan Sheekh ey la gasho wadamo kala duwan oo dhamaantood kala dano ah, qaarkoodna ey yihiin kuwa cadaawad isku qaba dhexdooda. Sida heshiisyada kala gaarka ah ee lala galay Masar iyo Itoobiya oo isku haya webiga Nile. Tani waxay kor u qaaday mucaaradnimada gudaha iyo dibadda, taasoo ah farqi weyn oo u dhexeeya labada dowladood. Ugu dambayn: in kasta oo mucaaradnimadu ey tahay qayb ka mid ah hab-dhaqanka dimuqraadiyadda, haddana qaabkeeda, saameynteeda, iyo ujeeddooyinka laga leeyahay way kala duwanaayeen xilligii Farmaajo iyo kan Xasan Sheekha maanta. Mucaaradkii Farmaajo wuxuu ahaa mid si abaabulan u dhisan oo hogaan leh, halka mucaaradka Xasan Sheekh uu weli yahay mid kala daadsan oo aan lahayn hogaan cad. Waxaa la oran karaa in duruufaha Siyaasadeed, Dhaqaalaha, iyo deegaanka amni ee dalka ey si gaar ah u saameeyaan qaabka mucaaradnimadu u dhisan tahay.

XIGASHO-GOOBJOOG.

Previous
Previous

WEERAR DAD KU DHAAWACMEEN OO KA DHACAY G/KOLORAADO EE DALKA MARAYKANKA.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GOGOL FIDIYEY.