MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GOGOL FIDIYEY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada Soomaaliyeed, taas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, 15-ka Juun 2025. Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo ballaaran oo Madaxweynuhu la yeeshay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Madaxdii hore ee dalka, Ururrada siyaasadeed, iyo Bulshada ayidka ah, si loo adkeeyo is-fahamka Siyaasadeed, dib-u-heshiinta, iyo Midnimada Qaranka. Shirka Wadatashiga ayaa diiradda saari doona arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, oo ey ka mid yihiin:

  • Sugidda Amniga iyo la-dagaallanka Argagixisada

  • Dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta doorashooyin xor ah

  • Dhammeystirka Dastuurka KMG ah

  • Midnimada Qaranka iyo dhab-u-heshiinta shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan Siyaasiinta, Madaxda dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iney u diyaar garoobaan kana qeybgalaan shirka, si wadatashi dhab ah loogu wajaho mustaqbalka dalka. Fududeynta dhanka farsamada ee shirka waxaa loo xilsaaray guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud. Guddigan ayaa masuul ka noqon doona isku-dubaridka iyo habsami u socodka arrimaha la xiriira gogosha. Warka rasmiga ah ee kasoo baxay Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in shirka uu fure u noqon doono wadahadal miro dhal ah oo lagu dhisayo mustaqbal siyaasadeed oo waara, xasilloon iyo mid dadka Soomaaliyeed ey si wadajir ah uga shaqeynayaan.

HALKAAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

MUCAARADKII FARMAAJO IYO KAN MAANTA KEEBAA ADAG?

Next
Next

3-DHIMASHA,50-DHAAWAC AH AYUU SABABAY DEB KA KACAY…