3-DHIMASHA,50-DHAAWAC AH AYUU SABABAY DEB KA KACAY…

(SAWIRKA)-ISBITAALKA HUMBURG.

(HUMBURG)-Wararka ka imanaayo magaaladda Humburg ee dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in ugu yaraan saddex qof ey ku dhinteen dab ka kacay isbitaal ku yaalla magaalada Hamburg ee Waqooyiga Jarmalka .

SABABTA DEBKA WELI MA CADDA:

In ka badan 50 qof ayaa ku dhaawacantay oo 16 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay. Ugu yaraanwaxaa ku geeriyooday dabkaasi ilaa hal qof. Dabka ayaa wax yar ka dib saqdii dhexe ee xalay ka bilowday mid ka mid ah dhismooyinka Isbitaalka Marien oo ku yaalla Xaafadda Hohenfeide ee magaalada. Qiiq culus ayaa markaa qabsaday dhammaan dabaqyada dhismaha, afhayeen u hadlay Waaxda dab-demiska ayaa sidaan yiri: “Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay dabkan oo ka kacay qol ka mid ah Waaxda Daryeelka waayeelka oo ku yaala dabaqa hoose ee dhismaha”. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay dabkan oo ka kacay qol ka mid ah Waaxda daryeelka Waayeelka oo ku yaalo dabaqa hoose ee dhismaha. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gurmadka deg dega ah ayaa la geeyay si ey u xakameeyaan dabka una soo qaadaan kuwa isbitaalka ku jira.

DABKA AYAA MARKII DAMBE LA DEMIYEY:

Saacadihii hore ee Axadda, maamulka ayaa sheegay in la damiyay dabka. Bukaanada ku jiray dhismaha uu saameeyay ayaa laga daadgureeyay goobta, sida ey saraakiishu sheegeen. Bukaanada dhaawacmay ayaa qaarkood waxaa lagu daweynayaa qeybta gargaarka deg dega ah ee isbitaalka, halka kuwa kalena loo qaaday isbitaalada ku dhow dhow. Saraakiisha ayaa sheegay in dabka la damiyay subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah.

ISHA-RADIO DW.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GOGOL FIDIYEY.

Next
Next

MAHAD SALAAD OO DIB LOOGU MAGACAABAY HAYADDA NISA.