MAHAD SALAAD OO DIB LOOGU MAGACAABAY HAYADDA NISA.

(SAWIRKA)-AGAASIME MAHAD MAXAMED SALAAD.

(MUQDISHO)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaarah Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta Amniga ee guud ahaan dalka, isku-dubaridka Hey’adaha Amniga, doorka bulshada ee xoojinta xasilloonida iyo diyaar-garowga Qaranka ee munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo u diyaar garowga imtixaanka shahaadiga ah. Golaha, ayaa guul taariikhi ah oo ey gaartay Soomaaliya ku tilmaamay ka mid noqoshada Hey’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta Magaalooyinka iyo Deegaanka ee (UN-HABITAT).Dhinaca kale,Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkoodii maanta ee deg dega ahaa waxa ey ku ansixiyeen soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) inuu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad. Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ey ka mid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA. Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay. Siyaasi Mahad Maxamed Salaad ayaa horay waxa uu u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka waxaa kaloo uu soo noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya. Taariikhdu markey ahayd 26-kii bishii Meey-2022-kii Md.Mahad isagoo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA waxaane xilkaan laga qaaday 4-tii bishii Abriil sannadkii 2024-kii,waxaane loo dhiibay Ex.Xildhibaan C/laahi Maxamed Cali”Samblooshe” oo isagane maanta 1/6/2025-ka laga qaaday xilka Agaasimaha Hayadda NISA.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

3-DHIMASHA,50-DHAAWAC AH AYUU SABABAY DEB KA KACAY…

Next
Next

MAXLAMAD CIIDAMADA OO XUKUN KU RIDAY SHABAKAD…