MAXLAMAD CIIDAMADA OO XUKUN KU RIDAY SHABAKAD…

(SAWIRKA)-SHABKAD ALSHABAAB KA TIRSAN.

(MUQDISHO)-Xukunka Shabakad lagu eedeyay iney Argagixisada u qaabilsaneyd dhagaraha Dilalka Qorsheysan iyo qaraxyada. Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali, afgarashadiisuna tahay Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre Balse kooxda dhaxdeeda loogu yeero Cumar oo dhamaantood isku wada tabbabar ah, Ayaa Shabakadaan uga wakiil ahaa Dilalka Qorsheysan ee Gaadmada ah. Hayadda Nabad sugidd iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) oo ku duulaysa xogo sirdoon ayaa samaysay Holwgallo Qorsheysan oo ka hortag ah kana kala dhacay seddex Gobood, waxayna ku soo qabatay Hayaddu Eedeysaneyasha iyo Hub ka kooban Seddex Bastooladood iyo laba Bam F1 taariikhdu markeey ahayd Sideed iyo Tobankii Bishii Agoosto 2024-kii. Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu eedeeyay inuu si gaara Shaqadiisu u aheyd Qeybta Qaraxyada, waxaana galkiisa laamaha amniga ku jira in Qarax nooca Miinada Dhulka lagu aaso ah ka fuliyay laamiga dheer ee Degmadda Kaxda, Qaraxaasi oo ey ku geeriyoodeen tiktokers muuqaalo ku duubaayey laamiga hareerihiisa, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA ayaana qabatay isagga labadiisa Horjooge ee Yaasir iyo Guuleed oo uu u kala gudbinaya Subag. Farxaan Aadan Xassan, ayaa Qoryoolay uu ku dhashay uga soo cararay dugsi Diidnimo, waxaana laga diiwaan geliyay Safka Khawaarijta, Gaar ahaan Qeybta Dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyada. Xassan Cali Ciire Kuuloow, ayaa isna lagu eedeeyay inuu shaqo suga u ahaa shabakadaan, waxaana uu gacan galay ka dib tilmaam laga helay eedeysane Farxaan oo ey isku shaqa ahayeen. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku dhawaaqay xukunka waxaane lagu kala xukumay: (1)-Maxamed Nuur Cali,C/laahi Xuseen Maxamed iyo Deeqaw Aadan Barre,waxay Maxkamadu ku xukunta midkiiba toban sano oo Xabsi Argagixisa ah. (2)-C/shakuur C/qaadir Maxamed (Webka),ayaa lagu xukumay seddex sano oo xabsi Argagixisa ah. (3)-Farxaan Adan Xasan,ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi Argagixisa ah. (4)-Xasan Cali Ciire Kuulaw,waxaa dib loo siiyey xuriyadiisa. Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MAHAD SALAAD OO DIB LOOGU MAGACAABAY HAYADDA NISA.

Next
Next

JARMALKA IYO GIRIIGA OO ISKU HAYSTA ARRINTA SOCDAALKA.