MW-GEELLE OO QAABILAY RW-XAMSE IYO WAFDIGIISA.
(SAWIRKA)-MADAXTOOYADDA JABUUTI.
(JABUTI)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, Arrimaha Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha Xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ey xaqiijisay muddadii ey shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada Horumarinta, Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah oo ey u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. isaga oo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabad iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan Ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ey joogaan. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ey sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ey ku bixinayaan Nabadda, Amniga iyo Xasilloonida dalka.
ISHA-SNTV.