SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA 113-AAD EE URURKA ILO.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA KU METELAAYO SHIRKA 113-AAD EE ILO.

(GENEVA)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Wafdi uu hogaaminayo oo Soomaaliya uga qeybgalaya shirka 113aad ee Ururka Shaqaallaha Aduunka ILO oo ka furmay Geneva. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo Soomaaliya uga qeybgalaya fadhiga 113aad ee Shirka Shaqada Adduunta oo ey sanad waliba Hay’adda Shaqada Aaduunka ee loo yaqaano ILO ku qabato magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wafdiga oo ka kala kooban sedax qeybood oo kala matalaya dowladda, Ururda shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha ayaa ey saakay si buuxda waxa ey ugu qeyb galeen kulankii furitaanka. Wafdiga ayaa ka qeyb galaya dhammaan doodaha iyo khudbadaha laga soo jeedinayo shirka. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo hormarada dalka ka jira, halka Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo matalaya shaqaala weynaha Soomaaliyeed uu khudbad jeedin doono asaga oo shirkan geyn doono fariin ka socota shaqaalaha Soomaaliyeed. Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa inta ey Geneva ku sugan yihiin waxa ey kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaan Madaxda Hay'adaha iyo dowladaha kala duwan ee shirkan ka qeybgalaya ayadoo kulammadaasina ey fure u noqon doonaan hormarinta Shaqaallaha Soomaaliyeed. Shrka maanta furmay ayaa socob doono ilaa 13-ka bishaan Juun-2025-ka,waxaane ka qeybgalay187-Xubnood oo ka kala socdo dawladaha Xubnaha ka ah Ururka ILO.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

SHIR AMNIGA KU SAABSAN OO MUQDISHO KA FURMAY.

Next
Next

MW-GEELLE OO QAABILAY RW-XAMSE IYO WAFDIGIISA.