SHIR AMNIGA KU SAABSAN OO MUQDISHO KA FURMAY.

(SAWIRKA)-SHIRKA AMNIGA EE MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo cisho ah oo looga hadlayo Maareynta Hubka, Rasaasta iyo ka hortagga Qaraxyada Macmalka ah ku qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Hay’adaha Ammaanka heer Federaal iyo kuwa mamulada dalka ka jira, sidoo kale shirka waxaa qayb ka ah Hay’adaha Caalamiga ah ee dhanka Ammaanka iyo ka hortagga Hubka iyo Rasaasta sharci darradda ah ka taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka G/dhiga XFS Axmed Macallin Fiqi, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeyb gashay. Wasiirrada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo masuuliyiinta kale ee shirka ka hadashay ayaa tilmaamay sida ey muhiim u tahay in Dowladda Federaalka iyo mamulada dalka ey uga wada shaqeyn lahaayeen dajinta qorshaha istiraatiijiyadda 2025-2030, sidoo kale waxay masuuliyiintu isku raaceen in la xoojiyo ka shaqaynta sidii looga hortegi lahaa Hubka iyo Rasaasta sharci darrada ah iyo Qaraxyada la farsameeyo. Dhinaca kale,waxa uu Shir muhiim ah uu ka dhacay Wasaaradda Amniga Gudaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu falanqeeyay xaaladda Amniga dalka iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha caalamiga ah ee taageera. Shirka waxaa shir guddoominayey Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adaha Amniga dowladda iyo wakiillo ka socday Hay’adda United Nations Transition Mission in Somalia (UNTMIS). Qodobbada shirka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa:(1)-Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Amniga iyo UNTMIS.(2)-Dardar gelinta qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya.(3)-Horumarinta hannaan wadajir ah oo lagu daba-galo horumarka amniga. Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahadceliyay UNTMIS iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo isfahamka dhanka Amniga si loo gaaro Xasillooni Siyaasadeed iyo Amni waara.

ISHA-SNTV.



Previous
Previous

BEESHA CAALAMKA OO LA FARIISATAY MUCAARADKA DFS.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA 113-AAD EE URURKA ILO.