BEESHA CAALAMKA OO LA FARIISATAY MUCAARADKA DFS.

(SAWIRKA)-BEESHA CAALAMKA OO LA FARIISATATY MUCAARAD DFS.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliye ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulanka maanta oo daba socda shirkiii dhawaan ey Madasha ku qabatay magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira Hab-raaca Geedi-socodka Doorashooyinka, muhiimadda ey leedahay in la helo Hannaan Doorasho oo ey Soomaalidu u dhan tahay, heshiis lagu yahay, islamarkaana ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan Qodobada Dastuuriga ah iyo heshiisyadii hore, sida ey horey u sheegeen Mucaaradka. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay baahida loo qabo in la helo jawi Siyaasadeed oo degan, lana xaqiijiyo kalsoonida shacabka, hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan sidii loo dardargelin lahaa dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, laguna dhisi lahaa hannaanka doorasho ee ku saleysan wadatashi, hufnaan iyo xorriyad. Wakiillada beesha caalamka ayaa dhankooda muujiyay daneyn xooggan oo ey u qabaan horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna bogaadiyeen doorka Madasha Samatabixinta ee ku aaddan kor u qaadidda wadahadalka iyo wacyigelinta bulshada. Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya muhiimadda ey leedahay in la helo hannaan doorasho oo xasillooni siyaasadeed horseeda, si dalka uu uga gudbo marxaladda kala-guurka. Dhinaca kale,Madasha ayaa shuruudo ku xiray ka qeybgalka Gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud,waxa eyna soo saareen Qoraalka ka kooban seddex qodob kalana ah: (1)-In Gogoshu noqoto mid xal waara looga gaaro khilaafka hareeyey Siyaasada Soomaaliye eyna ugu horeyso dib u eegista Dastuurka Doorashooyinka labada heer Federaal iyo Dawlad Goboleed iyo sidii loo ciribtiri lahaa Argagixisada. (2)-Iney ka soo wada qeybgalaan dhammaan Madaxda Dawlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka. (3)-In la cadeeyo AJANDAHA iyo Qodobada looga hadlaayo Gogosha uu fidiyey MW-Xasan Sheekh Maxamud. Mucaaradka ayaa qoraalkooda ku soo gabagabeeyey’Madashu Samatabixinta Soomalaiya waxa ey u taagan tahay Samatabixinta dalka,dadka iyo Dawladnimada Soomaaliyeed,waxayna diyaa u tahay wada hadal dhab ah oo horseeda Midnimo Qaran dalkana looga saaro hubanti la’aanta Siyaasadeed”.

SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO OFFICE.

Previous
Previous

MAXKAMADA CIIDAMADA OO TOOGASHO KU XUKUNTAY ASKERI..

Next
Next

SHIR AMNIGA KU SAABSAN OO MUQDISHO KA FURMAY.