MAXKAMADA CIIDAMADA OO TOOGASHO KU XUKUNTAY ASKERI..
(SAWIRKA)-ASKERI DIL GEYSTAY.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya ayaa sheegaayo in Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamadda Qalabka Sida ey Dable Xoogga Maxamud Xasan Xagaf iyo Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan, oo loo heystaa iney Isgoyska Tarabuunka ee magaaladda Muqdisho Xilli uu ka jiray Jaam iney ka dhex rideen Xabado lagu cabsi gelinayo Kumanaanka dad ah oo Isticmaalaya Waddadaasi, waxaana rasaastaasi ka dhalatay dhimashada Labo Muwaadin. Dable Xoogga Maxamuud Xasan Xagaf Xaayow (Baasto) ayaa lagu soo eedeeyay Dil Bareer ah, Caadeystanimo Dembi iyo Baxsasho, Ka dib markii isaggoo jooga Isgoyska Tarabuunka oo Saxmad ah xabado uu furay uu ku geeriyodeen Marxuum Xuseen Maxamed Maxamuud iyo Marxuumad Laylo Cali Hilowle oo ah hooyo Todobo Caruur Agoon ah korineysay, falkaan ayaana dhacay taariikhdu markii ey aheyd Sagaalkii Bishii April ee Sanadkaan. Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan ayaa isna lagu soo eedeeyay Qal-qal gelin Amni, ka dib markii uu si bareer ah rasaas uu ugu furay Isgoyska Tarabuunka. Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo Tobankii bishii Meey ee Sanadkaan. Askar isku shaqo ey ahayeen Eedeysaneyaasha iyo qaar kale oo ku Qornaa Shaqada Amniga ee Isgoyska Tarabuunka, ayaa Marag ahaan loo dhageystay, maadaama ey Goob joog ahayeen. Kaamerada Qarsoon ee CCTV Camera oo duubtay Fal-dambiyeedkaan ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta ku soo Bandhigeen Maxdarka, waxaana Tilmaamo looga bixiyay Sida loo kala leeyahay Dembigii dhacay. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Ex- Dable Xoogga Maxamuud Xasan Xagaf Xaayow (Baasto) Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuumiinta kala ah, Laylo Cali Hilowle iyo Xuseen Maxamed Maxamuud, Halka Dable Xoogga Buulle Xasan Aadan isna ey Maxkamadda u diratay Hal sano oo Feercelin ah. Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
ISHA-SNTV.