MAXKAMADA CIIDAMADA OO XUKUNO KU KALA RIDAY DAD…
(SAWIRKA)-KHAWAARIJ.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ey maanta xukuno kala duwan ey ku riday shabakad la sheegay iney adeegi jireen kooxda Alshabaab. Cabdinaasir Maxamed Xasan, magaca afgaradiisuna yahay Macalim Xaaji ayaa lagu eedeeyay inuu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ey Qaraxyada Ku fuliyaan iyo kuwa ka ciladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac eysan ugu sameyn Hay'addaha Ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayey Aragixisada. Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Qaraxii Zoobe 2 oo dhacay sagaal iyo labaantii bishii tobnaad ee Sanadkii 2022, kaasi oo loo adeegsaday Mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale Qaraxyo ka dhacay SYL, Beach View ayuu ka qeyb qaatay. Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayey horjooge lagu magacaabo Khalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari Noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa khawaarijnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa Argagaxisada. Waxa uu la shaqeeyay Xukunsanayaal Ku jira Xabsi Dhexe iyo kuwa lagu dilay Xabsiga, ka dib markii ey isku dayeen iyaggoo dagaalamaya iney baxsadaan Sanadkii 2024. Horjoogahaan, ayaa Gacanta Ciidamada Amniga soo galay sagaal iyo tobankii bishii sagaalaad ee sanadkii hore 2024, iyaddoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado Qaraxyo. Maadeey Cabdi Xuseen oo Makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka Argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya Barrow Shabeelada hoose, si uu khawaarijta ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maadeey Cabdi Xuseen. Muddo bil ah oo ey halkaasi joogeen ka dib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo khawaarijtu ey kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise. Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Khawaarijta iyo inuu ka iibsan rabay Argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey ka war heleen Ciidanka Amniga, sidaasna lagu qabtay. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay. (1)-Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in. (2)-Maadeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay Labo sano oo Xabsi Argagixiso ah. (3)-Ciisa Maadeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay Hal sano oo Xabsi Argagixiso ah. (4)-Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ey Maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa, ka dib markii lagu waayey eedii loo heystay. Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida. Dhinaca kale, Howlgal qorsheysan oo maanta ey fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayaa lagu dilay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane iyo Gandarshe. Ciidanka NISA, ayaa kordhiyay howlgallada lagu beegsanayo Horjoogayaasha Khawaarijta, iyadoo dhawaan howlgal ey ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ey ku dileen Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa gorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ee dhacay ilaa sanadkii 2023-kii.
ISHA-SNTV.