MW-XASAN SHEEKH OO WARAAQIHII AQOONSIGA KA GUDOOMAY DANJIRAHA UK.
(SAWIRKA)-XARUNTA MADAXTOOYADA DALKA.
(MUQDISHO)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska(UK) u fadhi doona Soomaaliya Danjire Charles King. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sii xoojinta Xiriirka Saaxiibtinimo ee labada dal, Horumarinta Iskaashiga dhinacyada Dhaqaalaha, Adeegyada Bulshada iyo Amniga. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa intii uu kulanku socday waxaa uu sidoo kale Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Mudane Charles King oo dhankiisa Madaxwaynaha uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo qaabilaadda diirran ee uu u fidiyay. danjire King ayaa ah nin si aad ah khabiir ugu ah wadamadda ey ka jiraan xasaradaha sida Soomaaliya,waxa uuna horay uga soo shaqeeyey dalal ku yaalo Gobolka Bariga dhexe, waxa uuna ku hadlaa Luuqadda Carabiga marka laga soo tago Luuqadda Ingiriiska, lama oga halka uu hawshiisa cusub ka bilaabi bacdamaa dalka uu hadda sii gelaayo waqtigii kala guurka oo Dawladda hadda joogtaa waqtigeeydu yahay gabaabsi.
ISHA-SNTV.