MAXKAMAD JARMAL AH AYAA XUKUN KU RIDAY NIN SUURI AH.
(SAWIRKA)-MAXKAMADA STUTTGART.
(GERMANY)-Maxkamad ku taalla magaalada Stuttgart ee koonfurta dalka Jarmalka ayaa maanta oo talaado ah xukun Xabsi Daa’in ah ku riday nin u dhashay dalka Suuriya oo lagu helay dambiyo dagaal oo ey sheegtay inuu galay intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya isagoo u dagaallamayay kaligii-taliyihii hore ee dalkaas Bashaar Assad. Dhageysiga dacwadan oo bilaabatay bishii October ee lasoo dhaafay ayaa waxaa marqaati ka ahaa 30 Marqaatiyaal ah oo u badan dad u dhashay dalka Suriya oo hadda ku nool daafaha caalamka. Maxkamada ayaa sheegtay in xukunkaasi laga qaadan karo racfaan.
MAXAA LAGU EEDEEYEY NINKAAN?
Eedeysanaha oo 33-jir ah ayaa lagu helay inuu Hoggaaminayey Maleeshiyo ey taageerto Hezbollah, kuwaasi oo xasuuq ba’an u geystay dadka rayidka ah ee Muslimiinta Sunniga ah ee ku nool magaalladda Busra AL-Sham ee Koonfurta Syria. Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah oo ey Iran taageerto Lubnaan ayaa taageeradeeda siisay Asad intii uu socday dagaalka sokeeye. Waxyaabihii kale ee ey Maxkamaddu ku heshay waxaa ka mid ah in sanadkii 2012-kii ey maleeshiyadu weerar iyo dhac u geysteen wiil arday ah oo 21 jir ah oo aan hubeysneyn, ka dibna ey toogasho ku dileen. Hooyadii iyo walaalkii la dilay ayaa ka mid ahaa Markhaatiyaasha xeer ilaalinta. Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in sanadkii 2013-kii ey maleeshiyadu garaacday sadex ruux oo lagu magacaabo Kalashnikov ka hor inta eysan u gudbin Sirdoonka Militariga Bashaar AL-Asad kuwaas oo jir dil iyo xabsi ku jira si ka baxsan bini’aadantinimada. Xukunka Maxkamadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxdan ey sannadkii 2014-kii ey nin 40-jir ah iyo qoyskiisa ku qasbeen gurigooda, ka dibna ey jir-dil u geysteen ninkaas oo uu awoodi waayay inuu lugeeyo dhaawaca soo gaaray awgeed. Ninkan ayaa bishii December ee sanadkii 2023-kii lagu xiray Gobolka Koonfurta ku yaalla ee Baden-Württemberg, oo Stuttgart ey caasimad u tahay.
MAXKAMADAHA HOOS YIMAADA XUKUNKA CAALAMIGA AH:
Dacwad oogayaasha Jarmalku waxay adeegsadeen shuruuc caalami ah si ey u raadiyaan maxkamadaynta tuhmaneyaal badan oo la rumaysan yahay iney gaysteen gabood-fallo intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya. Sannadkii 2022, Maxkamad Jarmal ah ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday sarkaal hore oo sirdoon Anwar Raslan oo lagu helay dambiyo dil, kufsi iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo ka dhacay Xabsiga Caanka ah ee AL-Khadhib sannadihii 2011 iyo 2012, xukunkii ugu horeeyay ee jirdilka dawladdu taageerto ee loo geystay dagaalka sokeeye ee Suuriya. Dhowr kiis oo kale oo la xiriira dambiyadii la galay intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa waxaa qaadaya Maxkamadaha Jarmalka, iyo sidoo kale Faransiiska iyo Sweden. Dagaalka sokeeye ee Suuriya, oo billowday ka dib markii taliska Asad uu cadaadis ku saaray dibad-baxyada dimuquraadiyadda nabdoon ee 2011-kii, ayaa dhammaaday dhammaadkii 2024-kii markii hoggaamiyaha is-dilaaca ah lagu riday weerar fallaago ah oo Islaamiyiintu hoggaaminayeen. Suriya ayaa hadda u muuqata iney tahay mid ka soo kabaneysa dagaalkii sokeeye ee dalkaas aafeeyey.
ISHA-DW.