SHAN DAL OO KU SOO BIIRAY GOLAHA AMAANKA EE QM,WAA KUWEE?

(SAWIRKA)-CALANKA QM.

(UNITED NATION)-Wararka laga helaayo xarunta Qaramadaq Midoobe ee NEW YORK ayaa sheegaayo in Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe ey Talaadada maanta ah u doorteen wadamadda kala ah “Baxreyn, Kolombiya, Jamhuriyada Dimuqaradiga Koongo, Laatfiya iyo Laybeeriya” iney ku biiraan shan iyo tobanka Xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe muddo laba sano ah oo ka bilaabaneysa 1-da-Janaayo-2026-ka. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ah Hayadda kaliyah ee Qaramada Midoobe ee sameyn karta go’aano sharci ah oo ey ka mid yihiin Cunaqqabteyn iyo ogolaanshaha adeegsiga awooda. Waxa ey leedahay shan xubnood oo joogta ah lehna awooda Diidmada Qeyaxan ee VITO,wadamadaasa ayaa kala ah” Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska”. Tobanka xubnood ee soo haray ayaa horay loo doortay,iyadoo shan xubnood oo cusub ey sannad walba ku biiraan,dalalka Baxreyn, Kolombiya, DRC, Latfiya, iyo Laybeeriya ayaa dhammaantood laga soo doortay meelo aan lagu tartamin,waxa eyna bedeli doonaa wadamada Aljeeriya, Siiral Yoon, K/Kuuriya, Guyaana iyo ISlofaniya. Si loo xaqiijiyo metelaada Juqaraafi,kuraasta waxaa loo qoondeeyey kooxaha gobolka. Laakin xitaa haddii Musharixiinta ey kooxdooda ku tartamaan iyagoo aan cidna kula tartamin kursiga, waxay weli u baahan tahay iney ku kasbadaan taageerada in ka badan seddex meelood laba meelood ee Golaha Guud. Shanta wadan ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ku biiri doono sannadka soo scod 2026-ka ayaa kala helay Codadka: Baxreyn waxa ey heshay 186-cod, Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo(DRC),waxa ey heshay 183-cod, Laaybeeriya,waxa ey heshay 181-cod, Kolombiya,waxa ey heshay 180-cod halka Laatfiya ey heshay 178-cod. Golaha Amaanka ee Qaramada ayaa Isniintii shalay u doortay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Annalena Baerbock iney noqoto Madaxweynaha Ururka 193-ka xubnood ah ee kalfadhiga 80-aad kaaso bilaabanaya bisha Sebtembar-2025-ka.

ISHA WAKAALADDO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO JOOJIYEY TAAKULADII UU SIINAYEY DANAB.

Next
Next

MAXKAMAD JARMAL AH AYAA XUKUN KU RIDAY NIN SUURI AH.