MARAYKANKA OO JOOJIYEY TAAKULADII UU SIINAYEY DANAB.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DANAB.
(MUQDISHO)-Dowladda Mareykanka ayaa markale shaaca ka qaaday in eysan wax taageero ah ku bixin doonin howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), arrintaas oo walaac hor leh ku abuurtay sii socoshada joogitaanka ciidamadaas iyo mustaqbalka amniga dalka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Mareykanku si rasmi ah u hakiyay taageeradii uu siin jiray Guutada kumaandooska Danab cutub ciidan oo muhiim u ahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Mareykanka, oo si joogto ah u maalgelin jiray ciidanka Danab tan iyo 2013-kii, ayaa sanadkii 2024 bilaabay inuu si tartiib tartiib ah u yareeyo taageerada. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii warbixinno musuqmaasuq la xiriira sahayda iyo raashinka ciidamada ey gaareen Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka. Guddigaas ayaa si cad u sheegay in hoggaanka Danab uu si xun u maamulay taageeradii Mareykanka, iyagoo carabka ku dhuftay in “canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka eysan aqbali karin in lacagtooda lagu maalgeliyo musuq.” Inkasta oo Washington ey sheegtay in eysan gebi ahaanba ka bixin dagaalka Argagixisada, haddana go’aanka ey ku dhameyneyso taageerada ATMIS iyo Danab ayaa loo arkaa dhabar-jab siyaasadeed iyo mid amni, xilli Soomaaliya ey wajahayso marxalad kala-guur ah oo ku aaddan bixitaanka ATMIS iyo howlgal cusub oo lagu magacaabo AUSSOM, kaas oo Mareykanku sidoo kale diiday inuu dhaqaale ku bixiyo. Ciidanka Danab, oo ah kuwa ugu tababarka sareeya ee Soomaaliya, ayaa noqday laf-dhabarta dagaallada dowladdu kula jirto AL-shabaab. Waxaana la asaasay sanadkii 2013 iyadoo tababarkooda lagu bilaabay saldhigga Belidogle ee Shabeelaha Hoose. Ciidamadii ugu horeeyay waxay tababarka dhameysteen 2014, iyadoo Mareykanku uu bixiyay dhammaan kharashaadka — laga bilaabo mushaharka ilaa qalabka. Haddaba, su’aasha ugu weyn ee taagan ayaa ah: Sidee ayey Dowladda Federaalka u maareyn doontaa ammaanka dalka iyadoo taageero dibadeed ey hoos u dhacday? Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal Arrimaha Amniga ayaa muujinaya walaac ballaaran oo ku saabsan awoodda dowladda Soomaaliya ee ah iney si Madax-bannaan u sii waddo dagaalka Argagixisada. Mustaqbalka Danab iyo hawlgalka AUSSOM ayaa hadda si weyn isha loogu wada hayaa, iyadoo beesha caalamka laga sugayo mowqif cad oo ku aaddan taageerada la xiriirta Amniga Soomaaliya.
ISHA-DALSAN.