3-SOOMAALI AH OO MEGANGALYO DOON AH OO DHIBATO KA DHEX ABUURAY…
(SAWIRKA)POLICE-KA XUDUUDAHA JARMALKA.
(BERLIN)--Maxkamad ku taalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday iney ku dhaqaaqday tallaabo sharci-darro ah oo ey ku celisay dad magan-gelyo doon ah oo ku sugnaa xuduudka dalkaas, ka dib markii ey shalay Maxkamad ku taalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ku xukuntay saddex qof oo Soomaali ah oo doonayey iney dalkaas ka galaan Poland. Labada nin iyo haweeney ayaa dib loogu celiyay Poland lagana soo celiyay boosteejo tareen oo ku taal bariga magaalada Frankfurt an der Oder oo ku taal xuduudka bari ee Jarmalka iyadoo lagu sababeeyay iney doonayeen iney ka soo galaan dal saddexaad oo ammaan ah, ayaa lagu yiri bayaan ey Maxkamaddu soo saartay. Xukunka ayaa caqabad ku noqon kara mawqifka adag ee socdaalka ee uu qabo Isbahaysiga Muxaafidka ah ee uu hogaamiyo Chancellor Friedrich Merz, kaasoo la doortay bishii February isaga oo balan qaaday inuu qaadi doono cadaadis walaac ku abuuray wadamada dariska ah. Waa kiiskii ugu horeeyay tan iyo markii Merz la doortay, warbaahinta RBB ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa afhayeen u hadlay Maxkamadda. Maxkamada ayaan si deg deg ah looga helin wax faallo ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Alexander Dobrindt ayaa difaacay cayrinta, isaga oo sheegay inuu Maxkamadda u gudbin doono caddaymo lagu mamnuucayo gelitaanka. "Waxaad arki kartaa sida nidaamka magangalyada oo dhami uu u shaqayn waayay. Maxkamaddu waxay ku tilmaantay diidmada codsadayaasha "mid sharci darro ah" qoraal ey soo saartay, iyada oo sharaxaysa in codsigooda magangelyo ey ahayd in uu Jarmalku ka baaraandego sida Midowga Yurub loogu yeero Xeerarka Dublin ee go'aaminaya waddanka mas'uulka ka ah socodsiinta codsiga magangalyada. "Si kastaba ha ahaatee, codsadayaashu ma dalban karaan iney soo galaan Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka meel ka baxsan xuduudka," ayey raacisay, iyadoo sheegtay in codsiga laga baaraandegi karo xadka ama meel u dhow. Socdaalka ayaa ka mid ah welwelka ugu weyn ee codbixiyayaasha Jarmalka iyo diidmo ka dhan ah qulqulka soogalootiga cusub ayaa gacan ka geystay kor u kaca caanka ah ee Xisbiga Midigta Fog ee Alternative for Germany, kaasoo kaalinta labaad ka galay doorashooyin Federaal ah bishii Febraayo. Waa isbedel qoto dheer laga soo bilaabo dhaqankii Jarmalka ee "Soo dhawaynta Qaxootiga" intii lagu jiray qalalaasaha soogalootiga Yurub ee 2015 ee ka horeeyay Merz ee muxaafidka ah, Angela Merkel. Xukuumadda Merz ayaa bishii May soo saartay amar ey ku diidayso Muhaajiriinta aan sharciga haysan, oo ey ku jiraan magangalyo-doon, ee jooga xudduudaha Jarmalka.
DHALIISHA CAGAARAN:
Xukunka Isniintii ayaa waxaa la wareegay Xisbiga Miljöpartiet, oo hadda ah Mucaaradka, kuwaasoo sheegay iney cadeynayaan mawqifkooda ah in la dagaalanka socdaalka Merz uu yahay mid aan socon karin. "Tani waa guul-darro ba'an oo soo wajahday Dowladda Federaalka waana iney digniin u noqotaa iney u hoggaansanto sharciga mustaqbalka oo eysan si bareer ah u dhaafin awooddeeda ujeedooyinka dadweynaha," Xildhibaanka Greens Irene Mihalic ayaa u sheegay Wargeyska Rheinische Post. "Go'doominta xudduudaha waxay ahayd diidmada nidaamka Dublin ee Yurub waxayna meel uga dhaceen deriskeenna Yurub." Dobrindt ayaa sheegay todobaadkii hore inuu rajaynayo in Midowga Yurub uu gaaro heshiis guud oo u ogolaanaya magangalyo-doonka guul-darraystay ee aan aadi karin waddankooda in loo diro dalal nabdoon oo u dhow dalalkoodii asalka ahaa. Karl Kopp, oo ah maamulaha kooxda u dooda dadka soogalootiga ah ee Pro Asyl, ayaa u sheegay Rheinische Post in "dhaqanka sharci darada ah ee Dobrindt ee ficil qaran oo hal dhinac ah oo ku saabsan siyaasadda magangalyada" ey tahay in la joojiyo iyo in saddexda Soomaalida loo ogolaado iney dib u soo galaan Jarmalka. Komishanka Yurub, oo ah hay'adda fulinta ee Midowga Yurub, ayaa soo jeedisay qorshe bishii hore u ogolaanaya waddamada xubnaha ka ah iney diidaan codsiyada magangelyo ee muhaajiriinta ka soo gudbay "nabdoon" waddan saddexaad oo u socda Midowga. Soo jeedinta, oo ey dhaleeceeyeen kooxaha Xuquuqul Insaanka, ayaan wali ansixin Dawladaha Qaranka ama Baarlamaanka Yurub.
ISHA-WAKAALADO.