WASIIRO CUSUB OO LA MAGACAABI DOONO DHAWAAN.

(SAWIRKA)-WASIIR ISAAQ.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu soo bilawday khilaafka u dhexeeyo Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa xilalkoodii iska casilay dhawr Wasiir oo ka tirsanaay Xukuumadda uu hogaamiyo Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Arrintaan is casilaad ayaa dhacday 20-kii bishaan maarso-2026-ka, waxaane hal mar xilalkii ey hayeen iska casilay ilaa lix Wasiir una badan Wasiir Ku xigeeno iyo Wasiirul Dawlayaal. Hadaba warar ey heshay Warbaahinta Suuq-bacaad Media ayaa tibaaxaayo in Reysal Xamse Cabdi Barre uu qorsheynaayo inuu waqtiyadda soo socdo uu soo buuxin doono xilalkii ey iska casileen qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadiisa kuwaaso kala ah: (1)-Xasan Maxamed Cali, ayaa loo magacaabi doonaa inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, booskaan ayaa waxaa baneeyey Xildhibaan Isaaq Maxamed Mursal. (2)-Ismaaciil Ciid Maxamed, ayaa loo magacabi doonaa Wasiir Ku-xigeenka Wsaaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga, booskaan ayaa waxaa baneeyey Maxamed Xasan Maxamed. (3)-Marwo Nadiifo Adan Isaaq, ayaa loo magacaabi doonaa xilka Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, waxaa xilkaan baneysay Xildhibaanad Suhuur Xaaji. Weli waxaa dhiman xilal kale oo Wasiira ah kuwaso aan weli la magacaabin eyna iska casileen masuuliyiin ka soo jeedo DG Koonfur Galbeed Sooaaliya. LA SOCO WIXI SOO KORDHO.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

DAWLADDA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Next
Next

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO U JAWAABTAY DG KGS.