DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO U JAWAABTAY DG KGS.

(SAWIRKA)-LA TALIYAHA HSM.

(MUQDISHO)-La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Aways Yuusuf Axmed, ayaa si adag uga jawaabay eedeymo kasoo yeeray maamulka Koonfur Galbeed oo sheegaya in Dowladda Madaxweynaha Xasan Sheekh ay xiriir la leedahay Al-Shabaab. Qoraal uu soo saaray la-taliyaha ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada, isla markaana uu hormuud ka yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. La taliyaha amniga qaranka wuxuu xusay in dowladda federaalka ay dhowaan kordhisay howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda, taasoo uu sheegay inay keentay guulo. Wuxuu sidooo kale in dhaqaale ahaan si weyn loo wiiqay Alshabaab. Arrintan ayaa imaanaysa maalin kadib markii  Koonfur Galbeed ay cambaareeyeen waxay ku tilmaameen heshiisyo qarsoodi ah iyo wada-shaqeyn ka dhexeeya dowladda federaalka iyo Al-Shabaab. Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay jiraan caddeymo muujinaya isku milan iyo wada-shaqeyn dhinaca saraakiisha iyo agabka militari ah, inkasta oo maamulka Koonfur Galbeed uusan soo bandhigin caddeymaha lagu xaqiijinayo eedeyntaas.

ISHA-HOL. 

Previous
Previous

WASIIRO CUSUB OO LA MAGACAABI DOONO DHAWAAN.

Next
Next

BAYDHABO OO LAGU KALA BAXAY MAANTA OO ISNIIN AH.