DAWLADDA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-ASTAANT SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in Arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay u dhan yihiin shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfuur Galbeed, hase ahaatee waxaa nasiib darro ah in tallaabooyinkaasi wanaagsan uu ka hor yimid maamulkii hore ee KG oo ku kacay falal abuuray xiisado siyaasadeed. Haddaba shacabka reer Koonfur Galbeed oo ka dhiidhiyay xadgudubyada maamulkii hore ayaa ugu dambeyn maanta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Baydhabo oo ah Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed. Ciidamada Qalabka Sida oo mas’uuliyaddooda koowaad ay tahay ilaalinta, midnimada, xasilloonida iyo dowladnimada ayaa isla maanta gaarey magaalada Baydhabo, iyagoo ka jawaabaya rabitaanka shacabka si ay u gutaan waajibaadka loo igmadey. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa waxgaradka iyo shacabka reer Koonfur Galbeed ee sida diiran u soo dhoweeyay Ciidamada Qalabka Sida, waxayna ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada reer Koonfuur Galbeed, inay muujiyaan degganaan, midnimo iyo wadajir, xilligan xasaasiga ah. DFS waxay u xaqiijineysaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Koonfuur Galbeed sida ay uga go’an tahay Ilaalinta xasilloonida, bedqabka shacabka iyo hantidooda, isla markaana aysan jiri doonin falal beegsi iyo aargudasho ah.
ISHA-SNTV.