C/CASIIS LAFTAGAREEN OO GAARAY MAGAALADDA NAYROOBI-KENYA.

(SAWIRKA)-LAFTAGAREEN.

(BAYDHABO/KGS)-Maanta oo ey Taariikhdu tahay 30-ka Maarso, 2026, waxaa uu bog cusub u furmay Siyaasadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii uu si rasmi ah xilka isaga casilay Madaxweynihii Maamulkaas, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Go’aankan is-casilaadda ah ayaa soo afjaraya muddo xileedkiisii, isagoo caddeeyay in laga bilaabo maanta uu ka tanaasulay dhammaan mas’uuliyadihii Hoggaamineed ee uu u hayay dadka degaanka. Is-casilaaddan ayaa timid ka dib markii heshiis buuxa ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha xilka banneeyay. Sida uu dhigaayo heshiiskaas, waxaa xilka si ku meel gaarka ah ee Madaxtinnimada Koonfur Galbeed ula wareegaya Wasiirka Maaliyadda ee maamulkaas Mudane.Axmed Maxamed Xuseen, kaas oo noqonaya ku simaha rasmiga ah ee hoggaanka inta laga soo dhisayo maamul cusub. Dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in Madaxweyne Laftgareen ey wehliyaan Xildhibaanadda kala ah” Aden Saransoor, Maxamed Mursal, Xasan C/nuur iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS Md.Dr.Cali Faqi” ey u raaceen magaaladda Nayoobi ee dalka Kenya. Waxaa kaloo iyadana jirta in xubno ka tirsanaay Xukuumadda DG Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaaminaayey Laftagreen ey isu dhiibeen ciidamadda DFS ee hadda ku sugan gudaha magaaladda Baydhabo ee ah Xarunta ku meel gaarka ah ee DG Koonfur Galbeed Soomaaliya.

ISHA-GJ.

Next
Next

DAWLADDA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.