WASIIRKA AMNIGA KGS IYO MASUULIYIIN KALE OO KU SUGAN DEGAANKA AWDIINLE.

(SAWIRKA)-WASIIRKA AMNIGA KGS.

(AWDIINLE/KGS)-Wararka aan ka helayno degaanadda ku hareeresyan degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaayo in Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Xasan C/qaadir Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/fataax Mahad, Taliyaha Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya G/sare.Isaaq Cali Isaaq Madeey, Xildhibaano iyo ciidankii Koofur Galbeed ee ka firxaday Baydhabo ayaa la soo sheegayaa iney caawa ku sugan yihiin deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay. Goobjooge ku sugan deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wataan ku dhawaad 50 gaadiid ah ay ku jiraan kuwa ay saaran yihiin Qoryaha loo yaqaano Zu-23, Zu-37 iyo gaadiidkii Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidanka ayaa hada wada hadal kula jira nink ey u aqoonsan yihiin inuu yahay Madaxweynaha KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ahne Wasiirka Maaliyadda KGS Md.Axmed Maxamed Xuseen balse waxa ay ka biyo diidsan yihiin in ay isu dhiibaan ciidamadda hadda ku sugan gudaha magaaladda Baydhabo kuwaaso isugu jira kuwa DFS iyo kuwa Mucaaradka KGS. Ciidankaan ayaa la sheegay iney markii hore rabeen iney maraan deegaanka Yurkud dabadeedna tagaan degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee dawlad Goboleedka Jubaland una bareeraan khatarta kooxda AS ee halkaas ku sugan, balse ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Berdaala ee G/Bay ayaa rajadaas meesha ka saaray ka dib markii ay xireen wadadaas aada degmada Luuq ee G/Gedo. Lama yaqaano talaabadda xigta ey qaadi doonaan saraakiishaan iyo masuuliyiinta daacadda u ahaa Ex.Mw.Laftagareen oo hadda ku sugan degaanka oo Awdiinle. LA SOCO.

ISHA-SUUQBACAAD-MEDIA.

Next
Next

C/CASIIS LAFTAGAREEN OO GAARAY MAGAALADDA NAYROOBI-KENYA.