WASIIRKA WARFAAFINTA PUNTLAND OO KASHIFAY SIR…

(SAWIRKA)-WASIIRKA WARFAAFINTA PUNTLAND .

(GARAWE/PL)-Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni oo tan iyo bilowgii kacdoonkii Laascaanood sheegaysay in aysan marna qeyb ka noqon colaaddii SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa maanta markii u horraysay qiratay iney weli ku lug lee dahay colaadda ka taagan degaanka Buqdharkayn.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu shakhsiyan qeyb ka ahaa dagaalkii u danbeeyay ee Ramadaantii ka dhacay Buqdharkayn islamarkaana uu ku biiriyay 400 oo askari iyo 31 gaadiidka dagaalka. “Dagaalkii u danbeeyay ee Buqdharkayn waxaan subaxii labaad geeyay 400 oo askari iyo 31 Gaadiidka dagaalka ah, waxaana Suxuurtii maray magaalada Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe maanta oo Isniin ah. Dhinaca kale, Wasiir Caydiid oo ey warbaahintu weydiisay su’aal ku saabsan Aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Maamulka SSC-khaatumo ayaa diiday in uu caddeeyo Mowqifka Xukuunadda Siciid Deni ee ku aaddan Aqoonsiga Khaatumo. Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid C/laahi Deni ayaa inkiraayey inuu ku lug leeyahay dagaalkii ka dhacay G/soola caasimadiisa ee Laascaanood,dagaalkaaso lagu jebiyey Soomaaliland xoogagii ka socday. Puntland iyo Somaliland midkoodna ma ogola in maamul loo sameeyo Goboladda Sanaag iyo Sool waayo iyaga ayaa ku waayi doono dhaqaale fara badan ey ku heli jireen magaca labadaasi Gobol.

ISHA-PP.


Previous
Previous

MW-XASN SHEEKH OO KAMPALA UGA QEYBGELI DOONO SHIR MADAXEEDKA

Next
Next

TURKIGA OO CIIDAMO U SOO DIRAY SOOMAALIYA.