TURKIGA OO CIIDAMO U SOO DIRAY SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA TURKIGA.
(MUQDISHO)-Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo dagay diyaarado milatari oo sida ciidamo Turki ah, sida ey inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo. Sida ey ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo gaaraya illaa 500 oo askari ayaa laba diyaaradood lagu keenay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS iyo taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadan ey hordhac u yihiin ciidamo kale oo kasoo socda dalka Turkiga, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa 2,500 oo askari. Ujeedka ugu wayn oo ey Dawladda Turkiga u soo daabuleyso ciidamadan ayaa lagu sheegay iney tahay gacan siinta Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxa eyna ka qayb qaadan doonaan howlgallada xoreynta iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda AL-Shabaab. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan imaanshaha ciidamadan cusub oo qalabkooda uu u dhameystiran yahay, balse waxay kusoo aadeysaa xilli xasaasi ah oo ey garab istaag u baahan tahay Soomaaliya. Horay Turkiga ayaa Soomaaliya usoo gaarsiiyay diyaarado dagaal oo casri ah, kuwaas oo haatan ka qayb-qaata weerarada cirka ah ee lagu beegsado maleeshiyaadka AL-Shabaab, kuwaas oo door wayn ka qaatay howlgallada haatan ka socda gudaha dalka. Waxaa kale oo uu Turkiga taageero milatari oo isugu jiro tababar iyo qalab uu siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo haatan ku tiirsan xukuumadda Ankara. Si kastaba, Bishii July ee sannadkii hore ee 2024, Baarlamaanka Turkiga ayaa meel-mariyay mooshin uu saxiixay Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ogolaanaya in ciidamo militari loo diro Soomaaliya muddo laba sano ah, kuwaas oo haatan soo daad-gureyntooda ey bilaabatay, ka dib markii la keenay 500 oo askari. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo dagaal, waxaana ey wajaheysa halista AL-Shababa oo culeys xoogan soo saartay deegaannadii horay looga xoreeyay.
ISHA-C/O.