MAXAA KA DHEXEEYO WASIIR JAMAC IYO ODAWAA?
(SAWIRKA)-WASIIR JAMAC.
(MUQDISHO)-Labo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah oo dowladda Soomaaliya ay leedahay ayaa howlgab ku ah magaalada Muqdisho, iyadoo ay taagan tahay baahi duqeymo oo kooxda AL-Shabaab ay soo qabsaneyso qeybo muhiim ah oo ka mid ah gobollada dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Talisyada Xoogga iyo NISA ayaa isku heysta maamulka labadaas diyaaradood oo lagu soo iibiyey lacag ay leedahay dowladda Soomaaliya, kuna sugan Muqdisho muddo bil ka badan. Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mr. Jaamac oo loo wareejiyey Wasaaradda Dekedaha ayaa weli lugta kula jira maamulka diyaaradahaas, maadaama uu weli dowladda u hayo Malafka xiriirka Turkiga. Wasiirka ayaa maamulka diyaaradahaas hoos geeyey Hay’adda NISA, intii uu heystay Wasaaradda Gaashaandhigga, balse Taliska Xoogga ayaa ka carooday, isagoo ku doodaya in diyaaradahaan lagu soo iibiyey magaca Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka. Taliska Xoogga oo toddobaadyadii u dambeeyey soo dalbaday duqeymo ayaa loo sheegay dhowr cudur-daar oo aan ka xusi karno ‘in hawada uu roob ku jiro, in amar looga baahan yahay cid aan loo cadeyn iyo in diyaaradaha aysan weli howlgeli Karin oo farsamada ay wax ka dhiman yihiin, taasi oo ciishay Jeneraal Odawa iyo saraakiisha xoogga oo ugu dambeyntii u soo dacwooday Madaxweynaha. Murankaan iyo is qabqabsiga uu dhex boodayo Wasiir Jaamac oo dagaal soo jireen ah uu kala dhexeeyo Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa sababay in Dowladda Soomaaliya oo diyaarado dagaal soo iibsatay ay u baahato cid u fulisa duqeymo. Taliska Xoogga ayaa ku doodaya in lagu soo wareejiyo maamulka diyaaradaha cusub ee dagaalka, si cadowga loogu jebiyo, maadaama ay xog ogaal u yihiin xaaladda dagaal ee wadan, meel kastana ay ciidan goor kasta lasoo weerari karo ka joogaan. Kooxda AL-Shabaab oo aad uga cabsata duqeymaha ayaa ka faa’iideysaneysa fursadaan duqeyn la’aanta ah, waxayna ku haminayaan in dhul hor leh ay dowladda ka qabsadaan, iyagoo culeys badan soo saaray Muqdisho. Saameynta weli uu Wasaaradda Gaashaandhigga iyo malafka Turkiga ku leeyahay Wasiir Jaamac ayaa la sheegay inay Hagar-daameyneyso dagaalka AL-Shabaab, qofka ugu dhow ee Xasan Sheekh uu wax ka maqlo ayaa lagu sheegay Wasiirka Dekedaha loo magacaabay ee Cabdulqaadir Jaamac.
ISHA-C/ON.