MW-XASN SHEEKH OO KAMPALA UGA QEYBGELI DOONO SHIR MADAXEEDKA
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.
(KAMPALA/UG)-Caasimadda dalka Yugandha ee Kampala ayaa lagu wadaa in 23-ka bishan April-2025-ka kuna beegan maalinta Arbacada ah ee inagu soo foolka leh in halkaasi uu ka furmo shir Madaxeedka ey ku kulmayaan Wadamada ey ciidamada ka joogaan Soomaaliya si wax looga qabto dhaqaale yarida soo wajahday howlgalka Midowga Afrika iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Maamul Goboleedyada gacan saarka la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah H/Shabeele, G/Mudug iyo K/Galbeed ayaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan iyadoo howlgalka uu la daalaa dhacayo hoos u dhac ku yimid taageeradii ey ka heli jireen saaxiibada caalamka. Shir-Madaxeedka ayaa ujeeddadiisu tahay in la helo dhaqaale waara oo lagu joogteeyo hawlgallada AUSSOM, ee muhiimka u ah ammaanka Soomaaliya iyada oo ey socdaan khataraha AL-Shabaab. Uganda, oo ah dal ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee wax ku biiriya ciidamada, ayaa ballan-qaadyo xooggan ka raadisa daneeyayaasha caalamka si loo xaqiijiyo xasilloonida howlgalka.
ISHA-SB-MEDIA.