BURKINO FASO: AFGEMBI LA FASHILIYEY.
(SAWIRKA)-CIIDAMAD BURKINO FASO.
(BURKINO FASO)-Wasiirka Amniga dalka Burkino Faso Md.Maxamed Sana ayaa ku dhawaaqay in ciidamadda Amaanka dalkaasi iney fashiliyeen qorshe la doonaayey in lagu afgembiyo dawladda talada dalka haysa. Wasiir Maxamed Sana,ayaa sheegay in askarta oo kaashaneysa kooxo Argagixisa ah ey si wadajir ah u qorsheeyey weerar ka dhan ah Madaxtooyadda taariikhdu markeey ahayd 16/4/2025-ka,iyadoo la xiiririnaayo weeraro la soo agaasimay iney ka dhacaan dalka oo dhan,wax uuna hadafkooda ahaa iney dalka Burkino Faso geliyaan fawdo si ey xukunka ula wareegaan. Wasiirka ayaa sidoo kale hadal uu ka jeediyey telefishana ku shaaciyey Kanaalka Rasmiga ah ee RTB in la fashilyey isku day afgembi,isagoo uga mahaceliyey waxa uu ugu yeeray feejignaanta ciidamadda sirdoonka iyo soo gudbintooda xogta afgembiga waqtigii ku haboonaay. Tv-ga AL-Carabiya.Net ayaa ilo kala duwan ka ogaaday dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay in dalka Burkino Faso uu ka dhacay xirig baahsan oo ey ku jiraan askar iyo sarakiil amni,saraakiil xigeen. Waxaa xusid mudan Idaacada Caalamiga ah ee Radio France International iney daah ka qaaday in todobaadkan laba sarkaal laga xayuubiyey xilalkii taliyeyaasha cutubyada ciidamadda. Warbixinta ey soo saaratay ayey kaga hadashay wararka xanta ah ee ku saabsan isku dayga afgembiga Mileteri ee fashilmay kaaso ey ku lug lahaayeen askar ka tirsan Mileteriga dibad jooga ah. Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo hadalka Wasiirka Amniga Burkino Faso Md.Maxamed Sana uu caawa ka sheegay Tv-ga Qaranka ey ka dhigan tahay iney tahay markii ugu horeysay oo si raamsi ah loo xaqiijiyo isku daygaasi. Ka dib markii la soo dhammaystiray baaritaanka hordhaca ah ee lagu sameeyey askartii ku lugta lahayd,ciidamadda daacada u ah taliyaha da’ada yar ee Burkino Faso Md.Ibrahim Traore ayey suuratgashay iney qabtaan hawshaas adag.
ISHA-AA.