QATAR-GATE OO MAREYSA MEEL HALIS AH.

(SAWIRKA)-LABADA EEDEYSANE EE ISRAEL.

(TEL AVIV)-Booliiska ayaa Talaadadii codsaday in Maxkamada Rishon Lezion inXy kordhiso xabsiga Guriga Jonatan Urich, oo muddo dheer kaaliye sare u ahaa Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, 21 Maalmood, waxaana uu shaaca ka qaaday in sidoo kale hadda looga shakisan yahay inuu carqaladeynayo cadaaladda fadeexadda "Qatargate" ee socota. Codsiga lagu kordhinayo Xabsiga Guriga Urich ayaa ka dhashay tuhun ah in haddii la sii daayo, uu hor istaagi karo baaritaanka oo uu khatar gelin karo Amniga Qaranka, ayuu yiri booliisku. Booliska ayaa sidoo kale codsaday 21-Maalmood oo Xabsi Guri ah afhayeenkii hore ee Netanyahu Eli Feldstein, kaas oo markii hore lagu soo rogay fadeexad kala duwan oo ku xeeran dukumentiyada sirta ah. Waxa loogu yeero arrinta Qatargate, Urich iyo Feldstein waxaa looga shakisan yahay dambiyo badan oo ku xiran shaqada lagu eedeeyay shirkad u ololeysa Qatar, oo ey ku jirto xiriir ey la sameeyeen wakiil Ajnabi ah iyo eedeymo isdaba joog ah oo Musuqmaasuq ah oo ey ku lug leeyihiin ololayaal iyo ganacsato. Feldstein ayaa sidoo kale lagu soo oogay bishii Nofembar inuu waxyeelo u geystay Amniga Qaranka kiis gaar ah oo ku lug leh xatooyada iyo ka daadinta walxaha dukumeenti IDF ee sirta ah ee Jarmalku Bild si ey u rogto ra'yiga dadweynaha ee Netanyahu. Urich sidoo kale waa tuhmane kiiskaas. Madaxa Shin Bet Ronen Bar, oo dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Caddaaladda isniintii iyada oo ey socoto dacwadda ku xeeran dadaalka dowladda ee lagu doonayo in lagu eryo isaga, ayaa soo xigtay baaritaanka Qatargate oo Hay'adda Amniga Gudaha ey wadeen, oo ey weheliyaan booliiska sababtii shaqada looga eryay. Shakiga ah in dadka u shaqeeya Qatar, oo taageera kooxda Argagixisada ah ee Hamas, ey ka shaqeynayaan "goobta quduuska ah ee go'aan qaadashada Israel", waxaana lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin ololeyaal saameyn leh, si cad u baahan baaritaan, "gaar ahaan marka dawladdaas ey ku lug leedahay dhexdhexaadinta wadahadalka u dhexeeya Israel iyo Hamas," Bar ayaa qoray. Waxa uu xusay iney aad u culus tahay eedeymaha loo soo jeediyay kaaliyeyaasha Netanyahu, iyo tuhunka laga qabo in howlahooda ey wax u dhimeen Amniga Qaranka iyo sidoo kale dadaallada lagu soo deynayo la heystayaasha, iyo iney sii socon la’dahay in shaqada laga eryo Madaxa Shin Bet oo uu baaritaanku socdo.Sabtidii, Qareennada Feldstein waxay dafireen sheegashada afhayeenka Netanyahu ee ah in macmiilkoodu aanu ka shaqayn Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha lixdii bilood ee ka hor intaan la xirin, iyagoo sheegay in "Ey ka hor imanayso buuro caddayn ujeedo leh." Horaantii bishaan, Netanyahu wuxuu ku eedeeyay booliiska iney hayaan Urich iyo Feldstein "La haystayaal", isagoo ku andacoonaya in baarayaashu ey qabteen caws aan lahayn caddayn dhab ah oo lagu taageerayo "baaritaankooda siyaasadeed." Ra'iisul wasaaraha oo sheeganaya in uu dhibbanaha u yahay shirqool "dawlad qoto dheer" oo isaga ka dhan ah, ayaa sidoo kale ku dooday in baaritaanka Qatargate uu kaliya amray xeer ilaaliyaha guud ee Baharav-Miara oo uu bilaabay Shin Bet Madaxa Bar si uu u abuuro khilaaf dano ah oo macquul ah oo Ra'iisul Wasaaruhu uusan shaqada ka ceyrin Taliyaha Amniga ee baarayay xafiiskiisa. Caddaynta Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka horimaanaysa sida ey u kala daba socdeen dhacdooyinka, maadaama Netanyahu oo kaliya uu bilaabay habka shaqada looga cayrinayo Bar ka dib markii baaritaanka Qatar mar hore la bilaabay.

ISHA-THE TIMES OF ISRAEL.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO DUQEYN KA FULIYEY BIYAHA SOMALIYA.

Next
Next

BURKINO FASO: AFGEMBI LA FASHILIYEY.