WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO KA HOR HADLAY LABADA AQAL.

(SAWIRKA)-LABADA AQAL EE BJFS.

(MUQDISHO)-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ee Villa hargeysa ku yeeshay Kalfadhiga 7-aad kulankiisa wadajirka ah ee labaad, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 140-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-Xildhihaan oo Golaha Aqalka sare ah, waxa uu Ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee warbixin Maaliyadeedka sanadkii ku dhamaaday 31 Diseembar 2024, waxaana warbixinta mudanayaasha labada aqal la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige. Intaasi ka dib, maadaama warbixinta maanta akhrinta koowaad la marsiinayay kama furneyn wax dood ah, sidaas daraadeed Xildhibaanadda labada aqal ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee warbixintan weydiiyay Wasiirka Maaliyadda oo kulanka joogay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Maaliyadda ee labada aqal iney soo diyaariyo warbixinta akhrinta labaad si uu Golaha uga doodo.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

NECEYBKA SENITAR FAATAX OO KU SII KORDHAAYO MAGAALADDA MINNEAPOLIS.

Next
Next

SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIR KA FURMAY JIDDA KUNA SAABSAN…