SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIR KA FURMAY JIDDA KUNA SAABSAN…
(SAWIRKA)-WASIIR XASAN MACALLIN.
(JIDDAH/KSA)-Wararka laga helaayo magaala xeebeedka Jidda ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa sheegaayo in Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud uu maanta ka qeyb galay Shirweynaha daahfurka Urur Goboleedka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Soo-Celinta Hantida Sida Sharci-Darrada ah Loola baxsado oo ka qabsoomaya magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya inta u dhaxaysa 8–9 October 2025. Urur Goboleedkan oo Soomaaliya ey ka mid noqotay dalalka aasaasay, ayaa kulmiya wadamada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, iyadoo ujeeddadeedu tahay xoojinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan la dagaallanka tahriibinta hantida sharci darrada ah, iyo soo celinta hantida la luunsado. Inta uu socdo kulanka, Wasiir Xasan Macallin ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo doorka Ururka, iyo muhimadda uu u leedahay Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan dhanka xoojinta iskaashiga wax ku oolka ah ee lagu xakamaynayo tahriibinta hantida sharci darrada ah isla markaana si loo fududeeyo dabagalkeeda iyo soo celinteeda. Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu socdo kulankan la yeelan doono kulan-doceedyo madaxda iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer caalami ee ka qeyb galaya shirka, si kor loogu qaado xiriirka iskaashi iyo midka wada-shaqeyn ee arrimaha cadaaladda iyo soo celinta hantida la luunsado kaas oo ay la yeelanayso Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dowladaha gobolka.
ISHA-SNTV.