NECEYBKA SENITAR FAATAX OO KU SII KORDHAAYO MAGAALADDA MINNEAPOLIS.

(SAWIRKA)-GUD.DEGMADA 1-AAD IYO SENITAR CLARK.

(MINNEAPOLIS/MN)-Wararka laga helaayo magaaladda Minneapolis ee Goblka Minnesota ee dalka Marayanka ayaa sheegaayo in Elliot Payne oo ah Gudoomiyaha laga soo doorto degmadda 1-aad ee magaaladda Minneapolis ayaa bogga uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray, soona dhigay sawir ah isaga iyo Senator Doron Clark oo nadiifinaya Erayo Isir Naceyb ah oo lagu qoray Bartamaha Wadada Johnson. Ereyadda wadada lagu qoray ayaa ahaa Erayo dhiirigelinaya in Senator Cumar Fatex in la Masaafuriyo oo dalka Soomaaliya loo tarxiilo, dadka Soomaalida ahna ey dhintaan. Elliot Payne oo ah Gudoomiyaha degmadda 1-aad ee uu maamulo lagu qoray Ereyadda Soomaali iyo Isir Nacaynka ah ayaa yiri, “Aniga iyo Doron Clark waxaan u soo baxnay si aan dadka cunsuriyiinta ah uga saarno waddooyinkayaga”. Sidoo kale, Gud.Elliot Payne ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan si cad u sheego in degmadda 1-aad aanu taageerno bulshadeena Soomaaliyeed, qof walbana aanu soo dhawaynayno meel kasta oo aad ka yimaadeen”. Waxaa isa soo taraya Isir Nacaybka, Cayda iyo Handadaada Senator Cumar Fatex iyo Soomaalida lala beegsanayo magaaladda Minneapolis. Dhacdadan ayaana ah midii ugu dambeysay. Senitar Cumar Fatex ayaa ah nin hadda u sharaxan Duqa Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee daka Maraykan,waane Gobolka ey ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee degan dalkaasi Maraykanka, doorashada ayaa lagu wadaa iney dhacdo bisha soo socoto marka ey tahay afarta kuna beegan maalin Talaadada ah, waxa eyna bilaaban doontaa saacada Maraykanka marka ey tahay 6:00-da Subaxnimo waxa eyna soo dhammaan doontaa 7:00-da fiidnimo,waane doorashada Dawaladaha Hoose.

XIGASHO-TUSMO TIMES.



Previous
Previous

HAYADDA CAIR EE G/MINNESOTA EE DALKA MARAYKANKA OO COSDI U DIRTAY….

Next
Next

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO KA HOR HADLAY LABADA AQAL.